Garsoore Omar Abdulkadir Artan oo dhex dhaxaadiyay kulan heer caalami ah

Garsoore Omar Abdulkadir Artan oo ka mid ah Garoorayaasha u diiwangashay xiriirka Somaliyed ee kubada Cagta ayaa bishii Janaayo si rasmi ah u noqday garsoore heer caalami ah.

Garsoore Omar Abdulkadir Artan ayaa shalaay ka soo muuqday kulankii ugu horeeyay oo heer caalami ah ciyaar ka dhacday dalka Kenya.

kulankaan,wxuu u dhaxeeyay kooxaha kala ah AFc Leopards(kenya) iyo Fosa juniors(madagascar).

kulankaan,wuxuu ka tirsanaa Caf confederation,waxa ayna ahayd ciyaar aad u adag,labada dhinac,waxa ay isla dhaafi waayeen 1-1.

Garsoore Omar Abdulkadir Artan,waxaa kulankaan caawiyaashiiisa ka mid ahaa Mahad iyo Baroode,halka uu sargaalka afaraad ahaa Xasan Baare.

ugu danbeentii ciyaara ,waxa ay ku soo dhamaatay 1-1,waxa ayna ahayd ciyaar ay ka soo qayb galeen daawadayaal aad u fara badan.

Garsoore Omar Abdulkadir Artan,wuxuu ka mid yahay garsoorayaasha loogu jeclahay Somaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close