Giacomo Bonaventura Oo La Shaaciyey Mudada Uu Garoomada ka Maqnaan Doono

Naadiga kubadda cagta Ac Milan ayaa soo saartay sheekada qolkeeda soo kabashada ee ciyaaryahanada dhaawaca kaga maqan sida laga xiganaayo warbaahinta ciyaaraha talyaaniga.

27- jirka booska dhexe kaga ciyaara kooxda Ac milan Giacomo Bonaventura ayaa garoomada ka maqnan doona inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Giacomo Bonaventura ayaa daqiiqadi 26 dhaawac looga saaray kulanki Udinise ay 2-1 kaga adkaatay ee katirsanaa horyaalka Talyaaniga.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Sansiro ayaa bayaan ay soo saartay ku cadeysay in Giacomo Bonaventura uu qaliin uu ku sameeyay professor Sakari Orava oo ay cawinayo madxa caafimadka Milan Rodolfo Tavana warkan, inuu garoomada soo xadiri doonin ugu yaraan 4 bilood.

Si kasta Milan ayaa ku hungowday in ay guul ka hesho sadexdi kulan ee lasoo dhaafay kulamada horyaalka Talyaaniga ee Serie A waxayna qasaarisay 7 dhibcood.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close