Home » Italy » Gianluigi Buffon Oo Record U Dhigay Horyaalka Seria A,Muxuu Sameeyey?

Gianluigi Buffon Oo Record U Dhigay Horyaalka Seria A,Muxuu Sameeyey?

Gool haye Gianluigi Buffon ayaa sameeyey rikoor kale oo kooxda Juventus ah, waxaana inta uu xiranyahay Gacma gashiga goolhayenimo uu jebiyay rikoorro badan oo horyaalka Serie A ka yaallay. Waxaa uu Galabnimadii Axadda dhigay rikoor kale markii uu Serie A kulan ah wajahay kooxda Sampdoria oo ay kooxdiisu guul ka gaartay.

Buffon ayaa gaaray 39,681 oo daqiiqo in uu ciyaaraha Tartanka ah u safto kooxda Juve wuxuuna noqonayaa mid kale oo ka mid ah rikoorrada u gaarka ah isaga. Qofina kulama xifaaltami karo rikoorrada Turin wuxuuna dhaafay Alessandro Del Piero iyo Dino Zoff oo ahaa dadka uu hiigsanayay halyeygan reer Talyaani.

Buffon kulankiisii u horreeyay ee Serie A wuxuu ahaa midkii Juve markii uu uga yimid Parma Sanadkii 2001 uu sameeyay, safashada hore. Tan iyo markaas wuxuu ka mid ahaa xiddigaha kulamada muhiimka ah haddii ay caafimaad qabaan joogtada u ciyaarayay, in kastoo ay dhaawacyo yaryar soo gaareen muddadaas 16ka sano ah ee uu kooxdan la shaqeynayay. Laacibkan oo 39-jirkan ayaa jebin lahaa rikoor walba oo Juve ugu sarreeya haddii aan kooxda loo diri laheyn xagga hoose sanad ciyaareedkii 2006-07 oo ay heerka hoose kasoo ciyaartay.

Si kasta wuxuuna xiray safashada 500 oo kulan oo Serie A ah ciyaaraha kooxda Bianconeri, wuxuuna u muuqdaa mid hanan doona koobkiisii 8-aad ee horyaalka oo magaciisa lagu qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*