Gianluigi Buffon Oo Shaaca Ka Qaaday naaadiga Uu Jecelyahay In Uu Ku Aado Semi-Finalka Champions League

Buffon ayaa doonaya in ay Atletico Madrid isku arkaan afar dhamaadka tartanka champions league xili ciyaareydkan,Juventus ayaa ku jirta afarta naadi ee isugu soo haray taratnka champions league maadama habeenkii xalay aheyd ay soo quusiyeen kooxda Spain ee Barcelona.

Isku aadka tartanka Champions league ayaa la sameen doonaa malinta jimcada ah xili Buffon uu aaminsanyahy Monaco iyo Real Madrid in ay isku aadi doonaan halka Juventus-na ay ku aadi donto kooxda caasimada madrid ka dhisan ee Atheletico Madrid.
“dabcan haa waa ay wanaagsantahay hadii ay isku aadaan Monaco iyo Real, kuwaasoo awood badan sheganaya xili ciyaareydkan”39-sano jirka reer talyaani ayaa sidaa ugu waramay saxaafada ka dib ciyaartii xalay markii ay soo idlaatay
waxaan jecelnahay inaan ku aadno naadiga soo harto oo ah Atheletico taasoo ku jirta kooxaha sanadkan magac weyn ka sameynaya tartanka qarada yurub ee champions league”

Buffon ayaa sidoo kale la dhacsan sida ay Barcelona goosha uga ilaashadeen habeenkii xalay aheyd taasoo la aaminsanaa in ay mar kale Barca sameen doonto rikoor cusub.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close