Giggs ama Mourinho-: Ciyaartooyda Man United oo labo u qeyb samay

Wararka ka imaanayo dalka Ingiriis-ka ayaa waxa ay sheegayaan in ay labo u kala qeyb sameen ciyaartooyda kooxda Man United oo ku aadan arinta Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa ah shaqsiga ugu horeeyay ee u taagan qabashada Man United, maadaama Van Gaal uu fashilmay.

Xiddigaha qaar ee kooxda ayaa soo jeediyay in Ryan Giggs uu yahay shaqsiga ugu haboon leylinta kooxda Man United, halka kuwo kale ay la dhacsan yihiin Mourinho.

Xiddigaha kasoo horjeeda in Man United macallin loogu dhigo Mourinho waxaa hoggaaminaya xiddiga Juan Mata, kaasoo laga  soo diray kooxda Chelsea xilligii uu qabtay shaqada macallin Mourinho

Sikastaba Mourinho  ayaa lasoo sheegayaa inuu heshiis saddex sanno ah qallinka ugu duugi doono Man United, waxaana haddii uu qabto xilkaas kooxda ka tagi doono xiddigo uu ka mid yahay Mata.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close