Gonzalo Higuain oo seegi doona furitaanka horiyaalka talyaaniga

Laacib.so Gool dhaliyaha reer Argentin ee Gonzalo Higuain ayaa qeyb ka aheyn xidigaha ka hortagi doona naadiga Fiorentina kulanka furitaanka horiyaalka talyaaniga ay Juventus la ciyaari doonto,sida ay daabacday Sky Sports Italy.

Gonzalo Higuain ayaa ka shaqeenaya qaabkii uu taam ugu noqon lahaa xili ciyaareedka cusub ee u bilaabanaya isbuuca fooda inagu soo haya, balse kulan hore ee isbuuca soo aadan ayeey ku adkaan doontaa in xidigan uu qeyb ka noqdo safka kooxdiisa Juventus.

Macalinka kooxda reer talyaani Massimiliano Allegri ayaa waxaa la xaqiijiyay ilaa iyo haatan in weerarkiisa kulanka Fiorentina uu u wakiilan doono labadiisa weeraryahan Paulo Dybala iyo Mario Mandzukic.

Saxiixa Gonzalo Higuain uu ugu soo dhaqaaqay kooxda Juventus xagaaga suuqan ayaa wuxuu dhaliyay muran aad u xoogan, kadib markii aduun dhan 90 million oo euro kaga soo dhaqaaqay kooxdiisii hore ee Napoli.

Taageerayaasha kooxda Napoli ayaa ilaa iyo haatan wali si aan caadi ahayn kaga careysan dhaliyahoodii hore reer Argantina kaasoo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ku guuleysatay gool dhalinta horyaalka Serie A, kadib markii uu dhaliyay 37 gool, waxayna ku tilmaamaameen inuu yahay Qayaanoole iyo Lacag jaceel.

Related Articles

3 thoughts on “Gonzalo Higuain oo seegi doona furitaanka horiyaalka talyaaniga”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close