Goobta, Saacada & Warar Ku Saabsan Isku Aadka Wareega 8-da Copa del Rey Oo Maanta Dhacaya

Xarunta dhexe ee xiriirka kubada cagta Spain oo ku taala Magaalada Las Rozas ayaa waxay tahay goobta lagu sameyn doono Isku aadka wareega Sideeda ee Copa del Rey, kaasoo ay hada usoo baxeen kooxo badan

Kooxaha usoo baxay wareegaan ayaa waxay kala yihiin: Alaves, Atletico, Barcelona, Espanyol, Leganes, Real Madrid, Sevilla and Valencia, waxayna dhamaantooda ay ka dheelaan horyaalka La Liga.

Isku aadka wuxuu dhacayaa maalin Jimco ah oo ay Taariikhdu ku asteesan tahay 12-ka bishaan Janaayo ee 2018, [Dabcan waa waanta] marka ay Saacada isku beegto 12:00 oo Duhurnimo, waqtiga Geeska Afrika.

Waxaa la filayaa in isku aad kulul ay kasoo baxaan wareegaan, laakiin waxaa nan la fileyn inay isku soo aadaan midkoodna Real Madrid iyo Barcelona, walaw laga yaabo in si lama filaan ah isku aadaan.

Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so ayaa waxay kusoo gudbin doontaa Natiijada isku aadka wareega Sideeda ee Copa del Rey iyo qaabka uu dhoco Isku aadka, Hadii uu EEBE idmo Insha Allah.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close