Cavani Oo La Ogaaday Inuu Mid Kood Iman Doono Xagaagan Real ama Barca, Yaa Ugu Cad Cad?

Sida ay sheegayaa wararka laga helayo dalka Faransiiska, gooldhaliyaha Naadiga PSG, ee udhashay dalka Uruguay ayaa wuxuu xilli ciyaareedkan uu kusoo biiri doonaa Naadiga Real Madrid, ee dalka Spain.

Laacibkaan ayaa waxaa la sheegayaa inay daneeneyso Boqorada Horyaalka Spain, islamarkaana ay dooneyso inay ku xoojiso safkeeda xilli ciyaareedkan, iyadoona dooneyso inay ku darto Wiilasheeda BBC.

Ronaldo ayaa waxaa lagu waramayaa inuu aadi karo xagaagan Manchester United, inkastoo ay tahay wax maskaxda ka fog, maadaama lacagta lagu iibin karo ay tahay mid aanan suura gal ahayn inay ka bixiso United.

Balse, Cavani ayaa waxay u badan tahay inuu usoo dhaqaaqo Fasal ciyaareedkan Horyaalka La Liga, waxaana la sheegayaa inuu ku imaan doono aduun dhan 78 Malyuun, waxaana suura gal ah inay ka badato.

Majalada Don Bolon, oo kasoo baxda dalka Spain, ayaa qortay maanta oo Jimce ah, in Cavani uu imaan doono Los Blancos, xilli ciyareedkaan, uu loolan adag uu ku furi doono Karim Benzame oo haatanba dhaawac ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close