Kooxda Chelsea oo ku dhow soo qadashada ciyaaryahanka kooxda Dinamo Zagreb ee Eduardo

Laacib.so: Goolhayaha kooxda Dinamo Zagreb Eduardo ayaa kusii dhawaanaya inuu dhameystiro ku biiritaanka kooxda Chelsea kadib markii uu xalay macsalaameeyay kooxdiisa reer Croatia.

Goolhayahaan reer Portugal ayaa kooxdiisa u ciyaaray kulan xalayto ay si dhib leh kaga soo gudbeen dhigooda Red Bull Salzburg kulan u baahday in waqti dheeri ah lagu daro, Zagreb ayaana si rasmi ah ugu soo gudubtay wareega groupyada koobka Champions League.

Kadib dhamaadkii kulanka ayuu Eduardo saxaafadda uga waramay inuu helay fursad uu ugu biiro koox weyn isla markaana uu ka tagayo Zagreb iyadoo qof walba ay xusuusan doonto wanaagii uu kooxda u qabtay mudadiisa.

“Waqti xaadirkaan waana faraxsanahay waana murugsanahay” ayuu u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda Zagreb, “Tani waa taariikh qurux badan, balse waxaan helay fursad aan ugu ciyaaro koox weyn. waa fursadda nolosheyda dhan waxaana filayaa inaan u qalmo”

“Waxaan ka tagayaa Dinamo anigoo usoo saaray Champions League, aad baan ugu faraxsanahay guushaas. waxaan rajeynayaa in dadka igu xasuusan doonaan inaan ahay shaqsi mar walba siin jiray qaabkiisa ugu fiican koox, taageerayaasha iyo in qof walba uu iga heysto xusuus fiican”

“Waan hubaa waxaan Dinamo Zagreb ku leeyahay xusuus weyn iyo dhamaan qof walba oo aan halkaan iskala shaqeynay”

Related Articles

3 thoughts on “Kooxda Chelsea oo ku dhow soo qadashada ciyaaryahanka kooxda Dinamo Zagreb ee Eduardo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close