Goormee La Ciyaari Doonaa kulanka baaqday Ee Manchester derby, City vs United?

Manchester City ayaa kulanka ay aad u sugeysay ee Derby Manchester la ciyaari doonta kooxda Manchester United ciyaartaas waxaa ay horay u baaqatay bishii tagtay, waxaase loo jideeyay hadda in la ciyaaro Khamiis ay April 27 ku beegantahay. Pep Guardiola kooxdiisa ayaa foodda dari doonta kooxda xifaaltanka adag la wadaagta ee Manchester United, xilli City ay dooneyso in ay cashar siiso kooxdan, iyadoo la ciyaareysa haddana FA Cup semi-final kooxda Arsenal kulan ka dhacaya Wembley Axadda ku xigta.

Kooxda Etihad ayaa dooneysa in ay kasoo kabato jabkii kasoo gaaray tartanka Champions League waxayna diiradda saareysaa sidoo kale in sanadka dambe ay ka mid noqoto kooxaha soo gudbaya. City ayaa dhowaan soo fariisatay kaalinta 3aad ee Premier League, halka United ay fadhiso 6-aad iyadoo 17-kulan aan la garaacin – Mourinho ayaa ku faanaya in uu qaadi doono Europa League taasoo ah waddada ay kooxdiisu kusoo aadi karto tartanka sare ee Europe.

Kooxda United iyo macallinkeeda ayaa laga ciribtiray koobka FA Cup waxaana dharbaaxo ku dhufatay Chelsea oo garaacday ka hor inta aysan iyaguna ka badin tartanka Europa league kooxda Rostov. Kooxda Reds ayaan weli la siin jadwalka ay dib u ciyaareyso kulanka ugu baaqsan kooxda Premier League ee Southampton, halka City ay ogtahay waqtiga ay la dheeleyso kooxda West Brom ciyaar garoonkeeda ka dhaceysa.

City, waxay 2-1 uga badisay United kulankii horyaalka ee Old Trafford billowgii xagaagan, waxayna kooxda City wajaheysaa kooxda heerka hoose ka carareysa ee Middlesbrough 2 maalmood keddib marka ay la ciyaarto United.

Si kasta Kooxda kasoo horjeedda ee Old Trafford ayaa u safri doonta Burnley Axadda, April 23-ka ay tahay waxayna gurigooda ku qaabilayaan Swansea toddobaad keddib.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close