Guardiola Oo Fariin Hanjabaad Ah U Soo Diray Mourinho Ka Hor Kulanka Manchester Derby

Kadib markii ay badisay Man City dhigeeda West Ham, islamarkaana ay ka gaareen guul soo laabasho lahayd, ayaa wuxu soo bandhigay Pep Guardiola, waxa laga filayo kulanka ay labalansan yihiin Man United, Kulankaan oo dhacaya todobaadka soo aadan, ayaa waxaa lagu dheeli doonaan garoonka Manchester United, ee Old Trafford, waxaana la filayaa inuu noqdo kulan ciyaareed aad uxiiso badan.

Pep oo la hadlayay wariyaasha kadib kulankii West Ham, ayaa waxa uu yiri: “Natiijadaan, waxay nooga dhigan tahay inaan dhaawici karno iyaga kulanka soo aadan, waxaana nahay kuwa awood badan leh.

Wuxuu sii raaciyay: “Waxa aan ku baranay kulankaan cashi ah, inaan u baahan nahay weerar is daba joog ah, si aan u guuleyso qeybta dambe ee kulanka, waana wax aan ki farax sanahay inaan badino.

Guushaas ay Manchester City ay ka gaartay dhigeeda West Ham, ayaa waxay uga dhigan tahay inay yeelan doonto 43 dhibcood, waxaana ay ka sareyn doontaa Man United, oo labaad ah 35 dhibcood.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close