Guardiola Oo Mararsiyo Cajiib Ah U Yeelay Guul Daradii Ugu Horeysay Ee Soo Gaartay Kooxdiisa

Kooxda kubada cagta Manchester City, ayaa waxaa loo diiwaan giliyay guul daradii ugu horeysay ee xagaagan kadib markii ay kooxda Shakhtar Donetsk, ay kula dheeleen xalay oo Arbaco ahayd kulan Champions League, ka tirsan.

Kulankaan oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 2-1 oo lagu soo dubtay naadiga Sky Blues, waxaana sidaas halkaas kusoo gaba gaboobay Rikoorkii guul daro la’aan ee Pep, xili ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Isagoo kulankaan kadib la hadlayay wariyaasha ayaa waxa uu macalin Man City ee Josep Guardiola, wuxuu sheegay in Shakhtar, ay uqalantay inay badiso, waayo buu yiri: “Waxay haysteen ciyaaryahano tayo leh.

Wuxuu sii raaciyay: “Waxa uu ahaa kulan xiiso badan, goolkii koowaad waxa uu ahaa mid cajiib ah, laakiin goolkii labaad inaga ayaa daafac weynay, waxaaan isku deynay inaan dagaalano ilaa iyo dhamaadka kulan ciyaareedka.

“Marka aad dheeleyso Champions League, ma jirto koox yar, sidaas darteeda, guul daradaan waxaan ka baran doonaa cashir badan waxaana qirayaa inaan kulankaan uu ahaa mid adag,” ayuu Pep, kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close