Guardiola Oo Shuruud Adag Ku Xiray Inuu De Bruyne Kula Dagaalamo Messi & Ronaldo Ballon d’Or

Macalinka Manchester City, ee Pep Guardiola, ayaa aaminsan in ciyaaryahankiisa Kevin De Bruyne, uu xili ciyaareedkan kula dagaalami karo xidigaha dunida qabsaday Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo qaadista Ballon d’Or.

De Bruyne, ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay ninka kaliya ee dhaqaajinaya kooxda hogaamiyihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich, kuwaasoo hada 72 dhibcood ku hogaaminaya Premier League.

Laakiin, Pep Guardiola ayaa cod dheer wuxuu ku qiray in Kevin De Bruyne ay uga xiran tahay inuu Leo iyo CR7 kula dagaalamo xagaagan qaadista Biladaan la siiyo xidiga aduunka ugu fiican, inuu sharaf badan usoo hooyo Man City.

Mar la weydiiyay macalinkaan reer Spain, hadii wiilkiisa uu sanadkaan ka dulqaadi karo Messi iyo Ronaldo, Jaa’izadda Ballon d’Or ayuu ku jawaabay: “Shaki kuma jiro midaas – Laakiin shaqo badan ayaa kasoo horeysay.

“Qof walba waa uu ogyahay sida uu ufiican yahay isaga maxaa yeelay, waa mid si fiican udheela kubadda, guulo badan ukeena kooxdiisa [Marka wuu gaari karaa Daradaas,” ayuu sii daba dhigay.

Sikastaba, xidigaan reer caalami ee dalka Belgium-ka ee De Bruyne ayaa sameeyay xili ciyaraeedkan dhamaan tartamada oo dhan 18 caawimaad, waxaana uu yahay midka ugu badan kuwa ka dheela horyaalka Premier League ee dalka UK.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close