Guushii Xalay, Inay Baqayaan Kooxaha Weyn & Klopp Oo Fariin Digniin U Soo Diray Real & Barca

Tababaraha naadiga Liverpool ee Jürgen Klopp, ayaa waxa uu sheegayaa in natiijadii ay xalay kusoo xaaqeen kooxda Spartak Moscow, oo ahayd 7-0 ay ahayd mid cajiib ah:- wuxuuna sheegayaa inay fariin ay utahay kooxaha waa weyn.

Reds ayaa waxay guushaas ay kasoo gaartay naadigaas ka socotay wadanka Ruushka ay siisay inay usoo baxdo wareega 16-ka ee Champions League;- wuxuuna sheegayaa inay ku farax san yihiin inay usoo baxaan.

Mar uu ka hadlayay shirka jaraa’id ee kulankaan kadib ayaa waxa uu shaaciyay Klopp inay yihiin kuwa diyaar u ah inay wajahaan koox kasta, wuxuuna wacad ku maray in aysan jirin koox ay ka baqayaan.

Image result for Klopp

Wuxuu yiri: “Antonio Conte [Macalinka Chelsea] wuxuu yiri, shalay in aysan jirin koox laga baqo, waxaana nahay ku aanan xiiseyneen inay muujiyaan arinkaas, waxaana udiyaarsan nahay inaan la dheelno koox kasta.

Wuxuu raaciyay: “Inaan kusoo badino [7-0] waxay tahay mid cajiib ah, waxaana ay digniin utahay kooxa kale, ee tartankaan ku guuleysanaya sanadihii ugu dambeeyay, waxaaan nahay kuwa soo laabtay.

Isku aadka wareega 16-ka ee Champions League, ayaa waxaa la sameyn doonaa Talaada soo aadan, waxaana sida uu qorshuhu yahay la filan karaa wax kasta, iyadoona ay u badan tahay in la heli doono kulamo aad u adag.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close