Hadal Qorsoodi Ahaa Oo Dhaxmaray Ronaldo Iyo Bale Oo La ‘Kashifay’ Kadib Guushii Malaga

Real Madrid ayaa waxa ay xaqiijisay inay jaabka ku ridatay Horyaalka wadanka Spain ee La Liga, waxaana uu noqonayaa Horyaalkeedi 33-aad ee Taariikhda ay qaaddo Real Madrid muddo shan sano kadib, waxaana ay aad ugu dabaal dageen Xiddigaha Real iyo Jamaahiirtooda.

Dhanka Kale, Hadal qarsoodi ahaa oo dhaxmaray Xiddigaha ugu sareeya kooxdaan ee Bale iyo Cristiano Ronaldo, waxaana waxaana la kashifay waxa uu ahaa hadalkaas, waxaana lagu sheegay inay kawadda hadleen aimo ku aadan joogista Bale ee kooxda Real Madrid.

Waxaa la sheegay inuu Ronaldo uu weydiiday Xiddigan Wales inuu joogi doono kooxdaan Xilli ciyaareedka dambe, waxa uuna ugu jawaabay Bale, inuu joogi doono Xagaaga dambe kooxda ku guuleysatay Horyaalka wadanka Spain ee La Liga, islamarkaana joogta Final-ka UCL.

Ronaldo iyo Bale ayaa waxaa la rumeysan inuu ka dhaxeeyo loolan adag oo dhanka Gool dhalinta ah, waxaana haatan muuqaneysa inuu dib usoo fiicnaanayo Xiriirka udhaxeeya labada xiddig ee ugu qaalisan Kooxda Real.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close