Hadii Ay Reds Ay Sameyso Saacadaha Soo Aadan Halkaan Arin Waxay Muujineysa Inay Iibin Doonta Coutinho

Taageerayaasha Kooxda kubadda cagta Barcelona, ayaa waxay yihiin kuwa indhaha ku haya macmuulaadka ku aadan inay kooxdoodu ay dooneysa saxiixa xiddiga Liverpool ee udhashay qaranka Brazil, islamarkaana lagu magacaabo Coutinho.

Xiddigaan ayaa wuxuu ku jiraa saacadahii ugu dambeysay oo uu go’aan kaga gaari ahaa Masiirkiisa, iyadoona ay indhaha caalamka, si fiicana ay u ay wada eegayaan waxa uu sameyn doono iyo nooca go’aan oo ay qaadan doono Naadiga ka dhisan Gobolka Maraysites-ka, ee dalka UK.

Kooxdaan ayaa waxay dhankeeda dooneysaa inay lasoo wareegto ku dhawaad sedax cyaaryahano, iyadoona ay kala yihiin Chamberlin oo Arsenal kaga imaaaya 40 Malyuun, Thomas Lamer, oo Monaco 75 Malyuun kaga soo tagi doono Daafaca Virgil van Dijk, oo 30 Malyuun wadar ahaana waa 150 Malyuun.

Lacagtaan ayaa waxay 10 Malyuun ay ka dhiman tahay mida saxda ah oo ay ku heshiiyeen Barca iyo Liverpool, sida ay lee dahay Yahoo Sport, waxaana hadii ay dhacdo inay ku qarashageyso lacagahaas suuqa sacaadaha soo aadan ay muujineysaa in Blaugrana ay heshay Coutinho.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close