Hadii Ay U Qalmeen Guul Darada, Inay Niyad Jabisey & Zidane Oo Ka Hadlay Jabkii Villarreal

Iyadoo dharbaaxo kulul lagu gaarsiiyey Real Madrid garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu, ayaa wuxuu Tababare Zinedine Zidane uu diidey in ciyaartoydiisa uu eedeeyo, wuxuuna soo jeediyey in aysan qalmin guul daradda.

Kulankaan oo la go’aamiyay daqiiqadii 87aad, kadib markii gool ilqabad leh uu shabaqa soo taabsiiyey xidiga lagu magacaabo Pablo Fornals, ayaa wuxuu ahaa mid Madrid, ay soo badhigtey labada qeybood dareen ay guul ku dooneysay.

“Uma aanan qalin tani,” ayuu Zidane ka sheegay shirka jaraa’id kadib kulankan.

“Waxaan umaleynayaa inaan dheelnay kulan wanagasan.

Kooxdaan oo umuuqatey sanad ciyaareedkii hore mid aanan laga badin karin, ayaa waxaa hada muuqata inay ka taalo xoogaa gobol ah, kalsoonideeda.

Wuxuu raaciyey Zidane: “Waa mid aad u adag kalsoonida.

“Waxaan helnay fursado aan ku dhalin kerney gool, laakiin dhamaad ayaa la gaarey, waxayna ahayd inaad ka fogaano tirinta, waana mid aad uniyad jibineysa ciyaaroyda dhamaantooda.

“Waa inaan si tartiib-tartiib aan ushaqeynayaa sababtoo ah wax walba iyaga ayaa iska imaan doona.

“Dhamaan wax yaabaha xun-xun inaga ayey nagu dhacayaa, waa inaan ka shaqenayaa wax yaabaha wanagasan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waa inaan meel walba aan kusoo helnaa guul, waa ognahay xaalada aan maanta ku jirno iyo maalin kasta, wayna kasii adkaaneysaa, marka ma ahan inaan horyaal ka fikirno ee waa kulanka xiga hadda.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close