BARCA Oo Ka Hadashay Inay Lasoo Saxiixan Waydo Coutinho Xilli Ay Soo Bandhigtay Sir Badan

Agaasimaha Ciyaaraha ee Kooxda kubadda cagta Barcelona, ninka lagu magacaabo Albert Soler, ayaa wuxuu sheegay in Naadiga Liverpool ay soo bandhigtay aduun dhan 200 Malyuun, intii lagu guda jiray maalintii ugu dambeysay ee Suuqa kala iibsiga.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay in Reds ay diyaar u aheyd inay iibiso wiilkeeda hadii ay Miiska saari laahayeen lacagtaas balse dhankooda ay wax waliba ka fashilinmeen, isagoona cadeeyay in Blaugrana ay iska diida dalabkaas kaga yimid naadiga ka dhisan Gobolka Maraysites-ka.

‘Shalay, kadib toddobaadyo dalabyo ah iyo wada hadalo, Liverpool, waxay ugu dambeyntii soo bandhigtay ayna ku qiimeysa ciyaaryahankeeda aduun dhan 200 Malyuun, inaguna, waxaan qaadanayay go’aankaas mid ka duwan,” ayuu ku sheegay Shir Jaraa’id uu maanta qabtay.

The two directors explained why Barcelona made decisions in the summer transfer market

Kooxda ka dhisan caasimada Gobolka Catalans, ee dalka Spain ayaa waxay ku hungowday inay lasoo saxiixato laacibkaan, iyadoona kalliya lasoo wareegtay shan xiddigo, waxaana ay suuqa ku bixisay aduun dhan 198, iyadoona 105 kamid ah kusoo qaadatay Dembele oo Dortmund ka yimid.

Sidee Ay Barca Ugu Kala Gudbisay Dalabyadda Wiilkaan?

20 July: Barcelona ayaa waxay furtay wada hadal ay ku dooneyso xiddigaan, udhashay dalka Brazil, iyadoona Miiska soo saartay aduun dhan 72 Malyuun, kaasoo ay diyaar u aheyd inay kaga kaxayso Horyaalka Premier League.

23 July: Waxay sare u qaaday Qiimaha ay ku dooneysay ciyaaryahankaan Garabka weerarka iyo Dhaxda Lamberka 10-aad uga ciyaara Liverpool, waxaana ay gaarsiiyay 80 Malyuun, balse Reds ayaa soo diiday dalabkaas.

9 August: Liverpool ayaa soo diiday dalabkii sedaxaad oo ay kasoo gudbisay Blaugtana, iyadoona uu gaarayay 90 Malyuun, waxaana 11 August, war kasoo baxay Milkiilayaasha Liverpool lagu sheegay in wiilkaan uusan beec aheyn.

11 August: Saacado kadib, Kooxdan ayaa diiday war la qoray kaasoo ku aadan in xiddigaan uu dal baday in la fasaxo, waxaana 18 August, la sheegay in Barcelona ay Miiska soo saartay aduun dhan 114 Malyuun.

Maalinkii ugu dambeysay oo aheyd 1 September, oo ay Barcelona, ku fashilantay inay lasoo wareegto xidigaan ayaa waxaa Reds laga soo xigtay inay dooneyso aduun dhan 222 Malyuun, balse Barca ayaa diiday.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close