Hadii Uu Neymar Qaadi Karo Ballon d’Or, Goorta & Xavi Oo Amaan Ugu Qubeeyay Xidiga PSG

Halyeeygii hore ee kooxda kubada cagta Barcelona ee Xavi Hernandez, ayaa sheegay in Neymar uu aqoonsan yahay inuu ku guuleysan doono Bilada laacibka aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or

Jaa’izadaan ayaa waxaa Tobbankii sano ee ugu dambeysay Qaadanayay ama kala qeybsaday labada wiil ee aduunka qabasatay ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, laakiin hada umuuqda kuwa tabar beelay

Geesta kale, Xavi ayaa aaminsan in Neymar uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee Messi iyo Ronaldo, kala wareegi doono marka ay ka baxaan kubada cagta, qaadista Abaalgudkaan, inkastoo ay wax isbedali karaan

“Waxaan yaqiinsanahay in Neymar uu ku guuleysan doono Ballon d’Or” ayuu Xavi usheegay Idaacad ku taala dalka Spain.

Image result for xavi and neymar

“Waa markii ay Ronaldo ama Messi, uu hoos udhoco midkood [Macnaha uu ka baxo kubada cagta].

“Isaga [Neymar] waa ciyaaryahan si dabiic ah ugu diyaarsan inuu hogaamiyo qolka labiska iyo garoonka, kaasoo inta badan raba Banooniga, wuxuuna had iyo goor diyaar uyahay inuu siiyo taageerayaasha wax wanagasan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waan garanayaa shaqsi ahaantiisa, waana qof wanaagsan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close