Hadii Uu Walwalsan Yahay, Inay Garaaci Karaan Atletico & Fàbregas Oo Xog Weyn Kashifay

Xidiga reer Spain, ee Cesc Fàbregas, ayaa waxa uu sheegayaa inuu yahay mid aad uga walwalsan kulanka ay caawa ay kula dheeli doonaan garoonkooda kooxda kubada cagta Atletico Madrid, kaasoo ka tirsan Champions League.

Ciyaartaan oo soo dhici doonta caawa 22:45, ayaa ka tirsan heerka Group-yadda ee tartanka Champions League, waxaana labada dhinac ay utahay mid muhiim ah, inkastoo Blues, uusan saarneen cadaadis aad u badan.

Image result for Cesc Fàbregas

Isagoo ka hor kulankaan, la hadlayay wariyaasha, ayaa waxa uu ku nuux nuux saday Fàbregas, in sababta uu si fiican ugu dheelayo xagaagan ay ka dambeyso in Antonio Conte uu shaxdiisa ka dhigay [3-5-2]

Waxa uu yiri: “[Dhidaamka 3-5-2] waxa uu isiiyay inaan horey aan usocdo, sababtoo ah, waxa aan ku dhawaanayaa xidigaha sida:- Morata iyo Hazard, waxaana taasi ay keentay inaan abuurno fursado badan.

Mar uu ka ka hadlayay kulanka caawa ee Atletico, waxa uu sii raaciyay: “Hadii aan ku dhoho, ma walwalsani, waxa aan ku sheegay been, sababtoo ah, waxa aan leenahay hal ujeedo, waana inaan garaacnaa iyaga.

Waxa uu kusoo gaba gabeeyay: “Waan ognahay inay doonayaa inay sii noolaadaan, waana naqaanaa Atletico, waxa ay halkaan u inaamanayaa, waxaana naga go’an in aanan guul dareysan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close