Haloo Baneeyo Wadada!! Messi Oo Aanan La Celin Karin Sanadkaan Iyo Sirta Ka Dambeysay Oo la Helay

Nin waliba, maalinkiisaa ayaa loo sacabtumaa: Lionel Messi ayaa wuxuu xalay sameeyay wax badan kadib markii uu Laba gool ka dhaliyay Naadiga Juventus, oo uu kaga hor tegay kulan ka tirsan Koobka Champions League oo ah midka koowaad ee Qaarada Yurub.

Laacibkaan ayaa wuxuu Juve Goolhayaheeda Buffon uu ugu shubay mid kamid ah Goolashiisii ugu quruxda badnaa, isagoona ugu shubay Goolashiisii ugu horeysay Taariikhda, oo uu haatan yahay 30-sano jir, waxaana uu soo gaba gabeeyay Rikoor xumi ka haysatay Wiilkaan.

Messi ayaa wuxuu dhaliyay Sideed gool Lixdii kulan ee ugu dambeysay uu ka dheelay Xilli ciyaareedkaan cusub, waxaana tani ay Marak madoonto ka tahay in sanadkaan uusan ahayn mid marnaba ka celin karo, waxaana sabab looga dhigayaa inuu wax badan soo nastay.

Goolasha ayaa wuxuu wiilkaan u kala dhaliyay: Rigoore uu ka dhaliyay Real Madrid, ciyaartii ka tirsaneed Koobka Supercopa de Espana: Laba gool uu ka dhaliyay Alaves, kulan La Liga ka tirsan: 3 gool uu ugu shubay Espanyol Asbuucaan iyo xalay uu Juve Laba ka dhaliyay.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close