Halyeey Hore Oo Liverpool Ah Oo Shaaciyey WAR U Roon Maamulka Real Oo Ku Saabsan Mo Saalax

Halyeeygii hore ee Liverpool, Ian Rush, oo muujiyey amaantiisa Geesiga cusub ee Anfield, Maxamed Saalax, ayaa wuxuu muujiyey baqdin ku aadan in dhaqaalo badan, uu kaga tago wiilkaan reer Masar kooxdiisa Reds.

Saalax, oo tan iyo markii xili ciyaareedkaan uu uga soo biirey AS Roma, aad loola xiriirinayey Real Madrid, ayaa waxaa la sheegayaa inay kusoo dalbaneyso Los Blancos, aduun lacageed waali ah.

Rush ayaa yiri: “Yaa ku eedeyn kara hee, Real Madrid waxaa la hadalhayaa inay raadineyso isaga [Maxamed Saalax]?

Wuxuu raacsadey: “Suuqaan aan ka fiirsashada lahayn iyo sababta la’aan ah, wuxuu yahay mid aysan noqoneen mid lala yaabo hadii ay heshay Liverpool dalab dhan 225 Malyuun oo Yuuroo, oo isaga  [Saalax] ku saabsan.

Wuxuu intaas ku darey: “Kadib markii uu kaliya yimid xili ciyaareedkii lasoo dhaafey, waxaan aad urajeynayaa inuu yahay mid hada ku farax-san halka uu hada ku sugan yahay.

Rush ayaa daba dhigey: “Waxa jira jirtey waqti iyo meel uu ciyaaryahan ku haboon iyo lacagta uu ku haboon yahay lagu iibinsan jirey, laakiin hada ma ahan Liverpool mid xasiloon.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Hadii ay doonayaa iyaga [Liverpool] inay ku guuleystaan mustaqbalka horyaalka Premier League, kaliya waxay ku gaari karaan ciyaartoyda Saalax lamid ah, marka waa in ayan kooxa ka iibin.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close