Madax Ka Tirsan DFS Oo Magaaladda Dooxa Kula Kulmay Laacibiin Usoo Dheeshay Qaranka Soomaaliya

Booqashaddii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo qaar kamid ah Wasiiradda Xukumadda Dalka ay ku tageen Magaalladda Dooxa ee wadanka Qadar, ayaa waxa ay kula soo kulmeen Xiddigo ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliya.

Halyeeyadaan wax badan usoo qabtay dalkeena oo la kulmay Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa ay kala ahaayeen Cabdi Bille iyo Xiddigii gool dhalinta looga haray ee Cafiif oo ahaa Laacib usoo dheelay Kooxo kala duwan ee Horyaalka Soomaaliya ah.

Cabdi Bille ayaa waxa uu ahaa ciyaaryahan marar badan ka qeybgalay Taratanka Oradda, islamarkaana ku guuleystay abaalmarino dhowr ah, isagoo matalaya Xulka qaranka Soomaliya. Sidoo Kale Cafiif ayaa waxa uu ahaa Laacib usoo dheelay Kooxda Horseed iyo xulka Somalia.

Lama oga waxa ay kawadda hadleen labada dhinac kaaliin, waxaa war qoraal ah oo uu bartiisa Facebook-ga uu soo dhigay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad uu ku sheegay in Ciyaartoydaan ay Madaxweynuhu ugu hambaleeyaan xilka uu uhayo Umada Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close