Home » England » Halyey hore ee Emannuel Petit oo kula taliyay Kylian Mbappe inuusan usoo dhaqaaqin Arsenal.

Halyey hore ee Emannuel Petit oo kula taliyay Kylian Mbappe inuusan usoo dhaqaaqin Arsenal.

Xidigii hore ee kooxda Arsenal Emannuel Petit ayaa talo wax ku ool ah siiyay da’yarka qaarada yurub looga waashay ee Kylian Mbappe isagoo u sheegay in uu sifiican u kala xusho dalabyada miiska u saaran ee kooxaha waa weyn ee qarada yurub.

Petit ayaa Mbappe u diiday Arsenal isaga oo tusaale usoo qaatay da’yarkii lacagaha badan ku yimid Manchester United labo sano kahor ee Anthony Martial kaasoo imikaba ku dhex jahwareersan kooxdiisa Man United.

Petit ayaana yidhi “Mbappe waa hogaamiyaha jiilkiisa”

Waan jeclaan lahaa inaan arko isagoo kusoo biiraya Arsenal laakiin laba sano kahor waxa Manchester utd kusoo biiray Martial

Martial aad ayuu u fiicnaa bilihiisii ugu horeeyay laakiin imaatinka Jose Mourinho wuu ku dhibtooday sidaa darteed wa halis in Mbappe usoo wareego kooxda Gunners.

kooxda Arsenal ayaa la ogyahay in ay diyaar la tahay dalabkii labaad oo ku kacaya 100 milyan si ay gacanta ugusoo dhigto da’yarkan 26 gool u dhaliyay Naadigiisa AS Monaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*