Harry Kane oo ka sara maray Simone Inzaghi iyo Diego Costa Rikoodh Xaga Champions League-ka

Xiddiga kooxda kubada cagat Tottenham ee Harry Kane ayaa ka sare maray weeraryahanada Didier Drogba iyo Ronaldinho isagoo dhaliyay goolkiisii 9-aad Sagaal kulan oo uu saftay Horyaalka Champions League.

Harry Kane oo Goolhaye Gianluigi Buffon gool Ka dhaliyay, kulankii xalay ee ay kooxdiisu wajahday Juventus, Christian Eriksen ayaana dhammeystiray soo laabashada kooxdiisa Tottenham HotSpurs

Kane goolkiisa ayaa sidoo kale barbareeyay dalka England rikoodh uga yiilay Champions League, wuxuuna la sintay Steven Gerrard oo 7 gool dhaliyay 1-sanad cayaareed.

Balse goolkaas ayaa sidoo kale Tottenham HotSpurs xiddiggeeda uga mid ahaa tariikhaha ugu wanaagsan ee Champions League.

Didier Drogba, Ronaldinho, Simone Inzaghi iyo Diego Costa ayaa dhammaantood dhaliyay min 8 gool cayaaraha 9-ka ah ee ugu horreeya Champions League, ka hor kulankii Talaadada ayuuna dhaliyay isagu, wuxuu ahaa rikoodh billaabasheed aad u qurux badan.
Xiddiga 24-jir ah ayaa sidoo kale ku jira xiddigaha ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee Yurub wuxuuna dhaliyay 33 gool dhammaan tartamada qaarada Yurub.
Kane ayaa heli doona natiijo uu kusoo jebiyo Rikoodhka reer England ee Champions League lugta labaad ee Juventus, taasoo qabsoomi doonta March 7-deeda laguna cayaarayo magaalada London si agar ahna Wembley Stadium.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close