Harry Kane oo sheegay in kooxda Tottenham ay ku guulaysan karto Prmier League

Cayaaryahanka afka hore ee wararka kaga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in kooxdiisa Tottenham ay ku guulaysan karto horyaalka Premier League kadib markii ay ku so baxeen  kaalinta 1 aad saadaalintii laga sameeyay cida ku guulaysan karta horyaalka oo ay kooxda Tottenham noqotay kooxda loo saadaliyay ku guulaysiga horyaalka .

Tottenham ayaa xili cayaareedkii hore waxay ka mid ahayd kooxda saddex ee kala horaynta Premier League iyaka oona ka hooseeyay kooxda Arsenal .

Harry Kane iyo ciyaaryahanada ku kooxda ayaa sameeyay kor kac sameeyay kulamadii u  dambeeyay , iyaka koona hada kujira kaalinta 2 aad ee horyaalka .

Kane ayaa sheegay in ay ku guulaysan karaan horyaalka isaga oona xusay in xili ciyaareedkii hore ay aad ugu dhawadeen ku guulaysiga horyaalka , isaga oona xusay in ay qibrad weyn ka kororsadeen in ay soo garaan kaalinta 3 aad ee horyaalka .

Harry Kane ayaa yiri sidan ‘’ Waxaan u malaynayaa in sidii hore ka fiicanahay , waxaana hada qabnaa rajo aad u weyn inaga oona isticmaali doona qibradii aan ka helnay sanadkii hore .

Harry Kane ayaa sido kale sheegay in kooxda Chelsea oo xili ciyaareedkan gaaraysay guulo is daba joog ah ay suuragashay in ay noqden kooxda kaliya ee celisay Chelsea isaga xusay in ay saddex dhibcood oo nadiif ah ka gaareen , guushan ayuuna ku tilmaamay mid sare u qaday kalsoonida kooxdiisa .

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close