Hazard Oo Faray Xidigaha Chelsea In Si Fiican Ay Raacdaan Xidigaan Marka Ay Barca La Dheelayaan

Weerar yahanka Chelsea, ayaa wuxuu aaminsan yahay in wiilka gaaban ee Barcelona Lamberka 10aad uwata ee Lionel Messi inuu yahay halista ugu badan oo ay wajahayaan marka ay Champions League la ciyaarayaan Barcelona.

Kulanka labadaan kooxood, kaasoo dhici doona bishaan Febraayo, ayaa waxaa lugta koowaad ay ka dhici doontaa garoonka Stamford Bridge, ee Galbeedka Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ka hor ciyaartaan, isagoo wareysi siiyay Shabakada Marca, ee dalka Spain, ayuu sheegay Hazard, in ciyaartaan ay ka adkaan karaan Barcelona, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay inay dhagaha ay kusoo dhuftaan Camaaliqada La Liga.

Wuxuu yiri: “Waa kulan xaqiiqiyan ah mid adag, dabcan waxaana rajeynayaa inaan helno labinta guusha, maxaa yeelay waan garaaci karnaa iyaga.

Image result for Eden Hazard at Marca

Wuxuu intaas ku daray: “Laakiin, waxaa jira ciyaaryahan, kaasoo aanan lagu celin karin xitaa Rigoore, kaasoo ah Lionel Messi.

“Marka, waxaan ubaahan nahay inaan udheelno si taxadar ah, oo ay ku jirto wayao aragnimo, waana isku deyi doonaa wax walba oo macquul ah,” ayuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa, laacibkaan reer Belgium.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close