Home » Africa » Heegan FC vs Gaadiidka: Jabriil Xasan Fariid oo ka farxiyay Naadiga kadib Markii..

Heegan FC vs Gaadiidka: Jabriil Xasan Fariid oo ka farxiyay Naadiga kadib Markii..

Laacib.so :  Kulan ka tirsan horyaalka dalka soomaaliya ayaa galabta ay ku wada ciyaareen kooxaha kala ah Gaadiidka FC iyo Heegan kadib markii kulankaani ay ku wada ciyaareen garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho degmada Hodan.

Kulanka oo aad u adkaa labada kooxna ay mid waliba isku dayaysay in ay badiso ayaa qeybtii hore ee ciyaarta markii ay dadaalo badan sameeyeen uma aysan suurtagalin in ay gool iska dhaliyaan fursado badan oo muhiim ah ay sameeyeen labada kooxba balse ciyaarta qeybteedii hore aya ku soo idlaatay goolal la’aan 0-0.

Jabriil Hassan Fariid HEEGAN_FCKadib markii dib la isugu soo laabtay wadatashi badan kadib ayaa goolal loo filan karay in ay dhashaan ayaa weli xaalada sii adkeeysay iyadoo ciyaartii galabta ay wada ciyaareen labada koox ee Heegan iyo Gaadiidka ay ku adkaatay illaa laga gaaro daqiiqadihii dambe ee dheeriga ahaa ee garsooraha ku daray oo Ciyaaryahanka lagu magacaabo Jabriil Xasan Fariid oo ka fujiyay naadiga Heegan gool qurux badan oo uu ka farsameeystay ciyaartooyda Naadiga Gaadiidka ayaa si qurux badan oo jooga ka ridi gaaray mid kamid ah Daafacyada kooxda Gaadiidka kadibna wuxuu shabaqa dhex dhigay Kubadii oo laad xur ah shabaqa ku taabsiiyay ciyaaryahanka Jooga Dheer leh ee Jabriil Xasan Fariid wuxuuna goolkaasi noqday mid dhasha waqtigii dheeriga ahaa ee 2-da Daqiiqadood in laga dhaliyo naadiga Gaadiidka oo rabtay in ay Barbaro geliso naadiga Heegan balse waqtigii dhimashada la quusiyay Naadiga Gaadiidka.

Goolkaani ayaa ka dhigan Kooxda Heegan FC in ay kor u soo kacdo oo ay hesho 3-dii dhibcood ee ay maanta ku tashaneeysay iyadoo tagtay Kaalintii hore ay joogtay meel aan ka fogeen sababtoo ah Naadiyo badan ayaa isla leh min 12-Dhibcood oo ay ka mid tahay isla kooxda la ciyaareeysay ee Gaadiidka iyo Kooxda Jeenyo oo shalay badisay, balse kooxda Heegan ayaa goolkii lagu lahaa goolashii laga dhaliyay iska tirtirtay galabta oo wax gool ah laguma lahan 9-kii kulan ee hordhaca ahaa horyaalka dalkeena soomaaliya ay ciyaartay.

Dhanka kale Gaadiidka ayaa leh 12-Dhibcood oo ay dhigooda galabta la ciyaareen soo gaareen balse dhanka Gool Dhalinta ayay kaalin kaga jiraan oo 13-Gool ay dhalisay ayay kaalintaasi ku gaartay, halka 6-Gool ay leedahay Kooxda LLPP Jeenyo kaalinta ka hooseeyo joobto.

Lasoco Marwalba horyaalka dalkaaga Soomaaliya kalana soco LAACIB.SO

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*