Heegan iyo Fc Banaadir oo galabta isku dhagan

Kooxaha Heegan iyo Fc Banaadir ayaa galabta ku balansan Garoonka Banadir Sadium ee degmada Cabdicasiis ciyaar qeyb ka ah Tartanka General Daa’uud wareega 8-aad.

Heegan kulankii ugu dambeyay ee Group-yada waxeey guul daro kala soo kulantay kooxda Banaadir Sports Club kulan ku dhamaaday 4-2 ay guusha ku raacday kooxda Banadir S,C balse Nasiib wanaag Heegan ayaa u soo gudubtay wareega xiga ee Tartankan maadama Banaadir Sports Club laga rabay ineey dhaliso 3-gool oo nadiig ah.

Kooxda Ciidanka Booliska ee Heegan ayaa ka soo baxday Group C- kaa uu lagu tilmaamay midka dhimashada iyado kaalinta 2-aad ugu soo baxday.

Fc Banaadir kulankii ugu dambeyay ay ciyaarto waxeey 2-1 ugu soo adkaadeyn kooxda Fc Muqdisho.

Kooxdan ayaa ku jirtay Group-ka A oo ay kuwada jireyn kooxaha Gaadiidka, Fc Muqdisho, Midnimo, Fc Banaadir ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Group-kan iyado keensatay dhibco dhan 9- dhibcood.

Tartanka: General Daa’uud
Kooxaha : Heegan vs Fc Banaadir
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30

W/Q:cabdi fitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close