Hordhac: Bournemouth vs. Arsenal – Warbixinta Kulanka, Shaxda & Wenger Oo Guul U Baahan

Kooxda kubada cagta Bournemouth ayaa waxay marti qaadi doontaa dhigeeda Arsenal si ay ula dheesho kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka Premier League, ee wadanka Span.

Labadaan kooxood ayaa ubaahan inay badiyan, maadaama kaalmaha ay ku kala jiraan waqti xaadirkaan ay hadii mid kamid ah labadooda ay guul dareysto lagala wareegi karo

Sikastaba, kulankaan la daawan doono maanta oo Axad ah, ayaa waxaan halkaan hoose idiin kugu soo gudbin doonaa wax walba aad uga baahan tahay ka hor inta aanan la baasan.

Image result for Bournemouth vs Arsenal

Maxaa Ka Cusub Labada Koox?

Weerar yahanka England ee Jermaine Defoe oo udheela kooxda Bournemouth ayaa wuxuusan uga soo muuqan karin kulankaan dhaawac dhanka Qoobka ah, waana kulankii afaraad oo uu ka maqnaado kooxdiisa

Goolhaye Adam Federici ayaa la filayaa inuu usoo noqdo kooxdaan, laakiin waxaa ka maqnaan doona ciyaartoyda kala ah: Joshua King oo dhaawac Muruqa ah qaba iyo Junior Stanislas oo dhaawac aan la saacin qaba.

Arsenal ayaa kulankaan, waxaa ka maqnaan doona: Nacho Monreal, Sead Kolasinac, Koscielny, Aaron Ramsey iyo Olivier Giroud.

Dhamaan ciyaartoydaan waxay ka qabaan kooxdaan Woqoyga London ka dhisan dhaawac kala duwan, iyadoona seegi kara kulankaan.

Laakiin, Gunners ayaa kulankaan heli karta ciyaartoyda kala ah: Ozil iyo Sanchez, kuwaasoo shaki badan uu ku jiro waayahooda Emirates.

Shaxda Macquulka Ah

BOURNEMOUTH (4-4-2)

Begovic: Smith, Cook, Francis, Daniels, Ibe, Surman, Arter, Pugh Afobe, Wilson

ARSENAL (3-4-3)

Cech: Chambers, Mustafi, Holding, Bellerin, Xhaka, Wilshere, Maitland, Ozil, Sanchez, Lacazette

Xaqiiqooyinka Kulanka

Bournemouth ayaa badisay hal jeer Tobbankii kulan ee ugu dambebysay oo ay horyaalka kula dheesho Arsenal.

Kulankii ugu layaabka badnaa wuxuu ahaa kii 3-3 kusoo dhamaadey, markaas Gunners-ka, ay kasoo laabatey sadex gool oo looga hormarey.

Si Kooban

Tartanka: Premeir League

Kulanka: Bournemouth vs. Arsenal

Garoonka: Dean Court

Saacadda: 16:30 [Galab, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close