Hordhac: Chelsea vs. Leicester City, Warbixinta Kulanka, Shaxda & Conte Oo Guul Doonaya

Difaacadayaasha horyaalka Premier League, ee Chelsea ayaa waxay marti qaadi doonaa Leicester City, si ay ula dheelaan kulan ka tirsan Premier League, waxaana ay ubaahan tahay Blues, guul si ay ug yaraan ugu dhawaato Man United.

Labadaan kooxood ayaa uwada baahan guulo, maadama Chelsea aysan badin labadii kulan ee ugu dambeysay, halka Leicester ay badisay hal kulan, iyadoona kulankii ugu dambeeyay Bareeho goolal la’aan la gashey Fleetwood Town.

Sikastaba, kulankaan oo ka dhacaya garoonka Stamford Bridge, ee Galbeed London, waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbin doonaa wax walba oo aad uga baahan tahay kulan ciyaareedkan aadka uxiisaha badan:

Image result for Chelsea vs. Leicester City

Maxaa Ka Cusub Labada Koox?

Saxiixa cusub ee Chelsea, Ross Barkley, ayaa wuxuusan kasoo muuqan doonin kulakaan kadib dhaawac dhanka Muruqa ah, oo soo gaarey, inkastoo wiilkaan uu kusoo laabtey tababarka ma dheeli doono kulankaan

Chelsea, weerar yahankeeda Eden Hazard, oo qaba dhaawac dhanka Kubka ah ayaa waxaa laga gelinayaa shaki weyn, waxaana hadii uusan kasoo muuqan Kulanka Leicester, ay utahay kooxdiisa mid aad uxun

Dhanka kale, Leicester City, ayaa waxay hada wajaheysaa daafac xumi, waxaana ka maqan ciyaar daafacyadii EPL uqaadey ee Wes Morgan iyo Robert Huth, waxayan ku maqan yihiin dhaawac kala duwan

Laakiin, weerar yahankooda Jamie Vardy ayaa wuxuu yahay mid kasoo muuqan kara, inkastoo uu dhaawac kaga maqnaan doono, ciyaartoyga lagu magacaabo Danny Simpson, oo weerarka ka dheea.

Shaxda Macquulka Ah

CHELSEA (3-5-2)

Courtois: Azpilicueta, Cahill, Rudiger, Moses, Fabregas, Kante, Bakayokom, Alonso Hazard, Morata

LEICESTER CITY (4-2-3-1)

Schmeichel: Amartey, Dragovic, Maguire, Fuchs, Iborra, Ndidi, Mahrez, Gray, Albrighton iyo Vardy

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Chelsea vs. Liecester City

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 18:00

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close