HORDHAC: Chelsea vs. United – Mourinho Oo Ku Laaban Doona Stamford Bridge & Xogta Kulankaan

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United, ayaa waxay isaga hor imaan doonaan kulankii 11aad, wareegiisa koowaad ee tartanka koowaad ee ugu xiisaha badan aduunka ee Premier League, kaasoo dhici doona maanta.

Kulankaan ayaa waxaa lagu dheeli doonaa Garoonka Blues, ee lagu magacaabo Stamford Bridge, waxaana uu yahay mid aad uxiiso badan oo soo geli doono galabta gaara ahaan marka ay saacada ay isku soo beegto 10:45.

Macalinka Red Devils, ee Jose Mourinho, ayaa wuxuu ku laaban doonaa garoonka Stanford Bridge, halkaasoo uu aaminsan yahay inuu yahay mid wali laga jecelyahay, wuxuuna sheegayaa inuu guul kusoo qaadan doono.

United, ayaa u baahan guul, maadama kooxda kale ee City, oo ay ka hooseyso sedax dhibcood, ay iyadana ka dheeleyso Arsenal, hadii ay soo badisana ay sii dheereysaneyso hogaanka Horyaalka.

Chelsea iyo macalinkeeda Conte, oo uu saaran yahay cadaadis kaga imaanaya Madaxda ugu sareysa ee Blues, kadib guul darooyinkii ugu dambeeyay, ayaa waxaa uu isana waajib ku ah inuu badiyo, hadii waa la ceerin karaan.

Wararka Labada Koox;-

Conte ayaa soo xulan doonaa saf ciyaareed aad u xoogan, waxaana uu weerarka kuso bilaabi doonaa Morata iyo Hazard, kuwaasoo dhankooda uu saaran yahay cadaadis dhanka gool dhalinta ah, iyadoona ku barbaran kara United.

Dhanka kale, Mourinho ayaa wuxuu isana garoonka uu keeni karaa Phil Jones, Maric iyo Antonio Valencia, halka uu weyn doono Michael Carrick, Paul Pogba iyo Marouane Fellaini, kuwaasoo dhaawac ah.

Xaqiiyooinka & Is-aragoodii Ugu Dambeeyay:-

Chelsea ayaa badisay shan kamid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la dheeshay United, waxaana guushii ugu dambeysay ay ahayd kadib markii ay 1-0 uga badisay Maarso, ciyaar ka tirsnaa Rubuc dhamaadka FA Cup-ka.

Safafka Laba Kooxood;-

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Zappacosta, Bakayoko, Kante, Alonso; Pedro, Hazard; Morata

Manchester United: De Gea; Bailly, Smalling, Jones; Valencia, Matic, Herrera, Young; Mkhitaryan; Rashford, Lukaku

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close