HORDHAC: Chelsea vs. West Brom – Conte Oo Rajeynaya Inay Kasoo Laabtaan Jabkii U Dambeeyay

Chelsea ayaa Stamford Bridge, waxay kusoo dhaweyn doontaa dhigeeda West Bromwich Albion si ay ula ciyaarto kulan ka tirsan horyaalka Premier League, kaasoo ah kan koowaad ee aduunka loo xiiso badan yahay.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo Chelsea ay tahay mid guul daro lasoo kulantay labaddii ciyaar ee udambeysay, waxaana Antonio Conte, hogaamiyaha Chelsea, uu rajeynayaa inay kasoo laabtaan.

Sikastaba, ka hor int aan la baasan ciyaartaan Caweysnimadda caawa oo Isniin ah, waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa wax walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato ciyaartaan xiisaha badan.

Image result for Chelsea Vs West Brom:

Maxaa Ka Cusub Labadda Koox?

Chelsea, ayaa qabta Kiisas badan oo dhaawacyo ah, waxaana ciyaartaan ka maqnaan doona qaar kamid ah, ciyaartoydeeda Hal-doorka u ah.

Alvaro Morata, Andreas Christensen, Marcos Alonso, Bakayoko [Ganaaxan] iyo Ross Barkley ayaa ku seegaya ciyaartaan dhaawacyo kala duwan.

West Brom, ayaa geesta kale, waxaa dhankeeda uga maqan dhaawacyo, xidigaha kala ah: Hal Robson-Kanu [Muruqa], Nacer Chadli iyo Kieran Gibbs.

Shaxda Macquulka Ah

CHELSEA

Courtois: Azpilicueta (RCB), Cahill (CB), Rudiger (LCB), Moses (RWB), Kante (RCM), Fabregas (LCM), Emerson (LWB),  Willian (RW), Giroud (ST), Hazard (LW)

WEST BROM

Foster: Dawson (RB), McAuley (RCB), Hegazy (LCB), Nyom (LB), Phillips (RM), Yacob (RCM), Barry (LCM), Brunt (LM), Sturridge (RS), Rondon (LS)

Si Kooban

Kulanka: Chelsea vs. West Brom
Tartanka: EPL
Garoonka: Stamford Bridge
Saacadda: 11:00 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close