Hordhac: FC Porto vs. Liverpool – Miyay Porto Ka Yaabsan Kartaa Kooxda Jurgen Klopp?

Liverpool, ayaa waxay uduushay dalka Portugal si ay ula soo dheesho FC Porto kulan ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka ee tartanka koowaad ee loogu daawashadda badan yahay Yurub iyo caalamk ee Champions League.

Labadda kooxood ayaa waxay haystaa Rikoor wanagasan oo shantii kulan ee ugu dambeysay ah, kaasoo ay ka dheeleen tartamada ka baxsan Champions League, iyagoona caawa awooda Tijaabi doona.

Sikastaba, ka hor inta aan la baasan ciyaartaan, halkaan Hoose ka Boggo wax walba oo aad uga baahan tahay kulankaan aadka uxiisaha badan, kaasoo soo geli doona Caweysnimadda caawa oo Arbaco ah.

Image result for FC Porto vs Liverpool

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Labadda Koox

FC Porto, ciyaartaan waxaa hal kulan oo ganaax ah uga maqan ciyaaryahankeeda Felipe – Andre iyo Danilo ayaa waxay yihiin kuwa shaki uu geli doono kulankooda dambe, hadii ay Jaalo ay qataan ciyaartaan lugta hore ah.

Geesta kale, Liverpool ayaa waxaa kulankaan ka maqan Emre Can, kaasoo Ganaaxan hal kulan, Alberto Moreno ayaa si sidaasi si lamid ah hal kulan ku maqan, kadib markii uu qaatay Jaalo kulankii udambeeyay.

Shaxda Macquulka Ah

LIVERPOOL

Liverpool-predicted-starting-lineup

FC PORTO

Porto-predicted-starting-lineup

Si Kooban

Tartanka: Champions League

Kulanka: FC Porto vs. Liverpool

Garoonka: Estádio do Dragão

SaacaddaL 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close