HORDHAC: Feyenoord vs Napoli

Kulanku wax minco ah uma lahan Feynoord maadaama ay ka hartay Champions League iyo Europe League kaddib markii laga adkaatay dhammaan 5-tii kulan ay ciyaartay.

Napoli ayaa cidiyaha ku dagaalami doonta maadaama fursada kaliya ay ugu soo gudbi karto wareega 16 ay tahay inay guul gaarto isla markaana laga adkaado Shakhtar oo la ciyaareysa Man City.

Wararka Labada dhinac:

Kaddib kulan uu ganaax ku maqnaa Karim El Ahmadi ayaa soo laabtay balse waxaa Feyenoord weli ka maqan Ridgeciano Haps, Jan-Arie van der Heijden iyo Eric Botteghin.

Tababare Giovanni van Bronckhorst ayaan ku ciyaari doonin wax cabsi ah maadaama aysanba jirin wax ka lumi doona.

Kalidou Koulibaly ayaa u soo laabtay Napoli kaddib kulan ganaax uu kaga maqnaa.

Faouzi Ghoulam iyo Arkadiusz Milik ayaa ah xiddiga kaliya ee ka dhaawacan kooxda martida ah.

Tababaraha Napoli Maurizio Sarri ayaa eeganaya inuu nasiino siiyo  Jorginho iyo Allan taa oo wadada u xaareysa inay kulanka ku soo bilowdaan Piotr Zielinski iyo Amadou Diawara.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Feyenoord vs Napoli (Champions League)

Goobta: de Kuip

Goorta: 10: 45 Habeenimo

Garsoorka: Michael Oliver (England)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Is aragoodii hore Napoli ayaa gegada  San Paolo ku soo adkaatay 3-1, waana kulanka kaliya ay labada kooxood isaga horyimaadeen Champions League.

Napoli ayaa rikoodh liita ka heysata kooxaha ka dhisan Holland, 1-guul, 2-bar baro iyo 2-guul darro, 5 kulan ay la ciyaartay, waxay baadi goobeysaa inay guusheedii ugu horreysay ku soo gaarto dalka Holland maadaama labadii jeer ay booqatay ay kala soo kulantay guul darro iyo bar baro.

Rikoodhka ay Feyenoord ka heysato kooxaha Talyaaniga tartanka EUFA ayaa ah, 4-guul, 4 guul daro iyo 5 baro baro, 13 kulan. Marka ay mininkeeda ku ciyaareyso waxaa laga adkaaday oo qura hal jeer 6-kulan, 2-guul iyo 3-bar baro

Safafka Macquulka ah inay ku soo galaan Feyenoord vs Napoli:

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close