Hordhac: Juventus vs. Tottenham – Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulankan Adag

Juventus ayaa martiqaadi doonta dhigeeda Tottenham, si ay ula dheesho lugta koowaad ee tartanka Champions League, gaara ahaan wareegiisa 16-ka, waana kulanka ugu adag kuwa caawa laga dheeli doono heerkaan.

Labaddaan kooxood oo ku jira muuqaal ciyaareed isku mid ah, ayaa waxaa la rajeynayaa inay dhexmarto ciyaar ku dhisan dagaal, islamarkaana wuxuu kulankoooda noqon doonaa mid aanan dhulka la dhigi doonin kubada.

Spurs ayaa kulankii udambeeyay ee EPL, waxay dhagaha ay kasoo tuntay Arsenal, markaasoo ay kusoo daartay Hal gool oo ay ka heshay Harry Kane, su’aashu waxay tahay miyay Juve wadadaas ay marsiin doontaa?

Related image
Hordhac: Juventus vs. Tottenham – Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulankan Adag

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Labadda Koox

Juventus ayaa waxaa dhaawac uga maqan tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan laacibkeeda Paul Dybala, waxaana 24-sano uusan dheelin karin ciyaarta Spurs.

Sidaas si lamid ah, xidigii hore ee Chelsea, Juan Cuadrado ayaa dhaawac Bowdaha ah ku seegaya ciyaartan, laakiin bisha dambe ayuu soo laaban doonaa.

Kiisaska dhaawac ee Juve waa ay badan yihiin, wiilka Faransiiska ah ee Blaise Matuidi ayaa dhaawac Kubka ah ku maqnaan doonaa, sidoo kale Benedikt Howedes ayaa isana Bowdaha ka xanuun-sanaya.

Tottenham Hotspur, ayaa geesta kale, waxay aysan qabin walwal badan oo dhanka dhaawacyadda ah, waxaana jirin ciyaaryahan ka dhaawacan ama Ganaax uga seegaya kulanka ay Talyaaniga usafri doonan.

Shaxda Macquulka Ah

JUVENTUS: Buffon; Lichtsteiner, Benatia, Chiellini, Sandro, Khedira, Pjanic, Marchisio, Bernardeschi, Higuain, Mandzukic

TOTTENHAM: Lloris; Sanchez, Alderweireld, Vertonghen, Aurier, Dier, Dembele, Davies, Eriksen, Kane, Alli

Si Kooban

Tartanka: Champions League
Kulanka: Juventus vs. Tottenham
Garoonka: Juventus Stadium
Saacadda: 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close