Hordhac: Liverpool vs. Man City, Xogta Kulanka, Safafka & Pep Iyo Klopp Oo Dagaalami Doona

Manchester City ayaa usocodaali doonta Magaalada Liverpool, si ay ugu soo dheesho halkaas, kulan ciyaareed ka tirsan Premier League.

Labadaan kooxood ayaa kamid ah, kuwa ugu halista badan ee dhanka weerarka ee waqti xaadirkaan ku sugan horyaalka koowaad ee aduunka ugu xiisaha badan.

Sikastaba, kulankaan oo la daawan doono maanta oo Axad ah, ayaa waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbin doonaa wax walba oo aad uga baahan tahay.

Image result for Man City vs Liverpool

Maxaa Ka Cusub Labada Koox?

Saxiixa cusub ee Liverpool, Virgil Van Dijk, ayaa la rajeynayaa inuu Liverpool udheelo kulankiisii ugu horeeyay oo horyaalka ah.

Liverpool ayaa wajaheysa dhibaato badan oo dhaawacyo ah, waxaana ciyaartaan ka maqnaan kara: Alberto Moreno, Maxamed Salax, Nathaniel Clyne, Jordan Henderson iyo Daniel Sturridge, dhamaan waa dhaawacan yihiin.

Dhanka kale, Man City ayaa iyadana waxaa ka maqan ciyaartoyda kala ah: Benjamin Mendy, Striker Gabriel iyo Kabtan Vincent Kompany.

Ciyaartoyda ayaa waxay yihiin kuwa qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana mid walba oo iyaga kamid ah uusan kasoo muuqan karin ciyaartaan, isagoo xiran Maaliyada hogaamiyaasha Premier League.

Shaxda Macquulka Ah

LIVERPOOL (4-3-3)

Mignolet, Gomez, Matip, Van Dijk, Robertson, Chamberlain, Can, Wijnaldum, Mane, Firmino, Salah

MANCHESTER CITY (4-3-3)

Ederson: Walker, Stones, Otamendi, Delph, Fernandinho, Silva, De Bruyne, Sterling, Sane, Aguero

Xaqiiqooyinka Kulanka

Labadaan kooxood ayaa waxay yihiin kuwa goolal badan iska dhaliya marka ay wada dheelayan, waxaaan illaa iyo hada ay iska dhaliyeed wadar ahaan 114 gool.

Man City ayaa waxa aysan kusoo mid walba oo kamid ah 14-kii jeer ee ugu dambeysay oo ay booqdeen garoonka Reds, iyagoo dheelaya horyaalka EPL.

Laakiin, Liverpool waxay awood uyeelatey inay guusha hesho mid walba oo kamid ay afartii jeer oo ay  booqdeen Garoonka Man City.

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Liverpool vs. Man City

Garoonka: Anfield

Saacadda: 19:00 [Habeen, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close