Hordhac: Man City vs. Leicester – Hogaamiyaasha Miyay Kasoo Kaban Doonaa Kufka Isbuucii Hore?

Hogaamiyaasha horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa waxay marti-soori doonaa dhigooda Leicester City, waxaana la ciyaari doonaa kulan ka tirsan horyaalka aduunka ugu xiisaha badan ee dalka UK.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo Sky Blues ciyaartii udambeysay ay Bareejo kala kulantay dhigeeda Burnley kadib markii lagu qabtay 1-1 waxaana ay ubaahan yihiin inay ciyaartaan inay kasoo kabtaan Natiijadaas.

Sikastaba, halkaan hoose ka bogo wax walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato ciyaartaan xiisaha badan, taasoo lagu dheeli doono garoonka kooxda Muwaadiniinta lagu naaneeso ee Magaalada Manchester ku yaala.

Image result for Man City vs. Leicester

Maxaa Ka Cusub Labadda Koox?

Man City, waxaa dhaawac uga seegi doonaa kulankaan, xidigaha kala ah: Gabriel Jesus, Fabian Delph, Mendy iyo John Stones – Laakiin, Leroy Sane ayaa kasoo muuqan kara, kadib markii uu kasoo laabtay dhaawac dhanka Jilibka ah.

Leicester, ayaa Geesta kale, waxaa dhaawac dib uga soo laabtay Wes Morgan, waxaana uu ubad-qabaa inay dheelaan ciyaartaan, inkastoo ay suuragal ay tahay inuu seego, maadaama uu dhawaan lee soo laabtay

Shaxda Macquulka Ah

MAN CITY

Manchester City predicted starting line up

LEICESTER CITY

Leiscter predicted starting line up

Si Kooban

Tartanka: EPL

Kulanka: Manchester City vs. Leicester City

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 20:30 [Fidkii, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close