Hordhac: Real Madrid vs. PSG – Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Ciyaartan Xiisaha Badan

Kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa waxay gurigooda ay ku marti qaadi doontaa dhigeeda PSG, si a ula dheesho kulan ciyaareed xiiso badan, kaasoo ka tirsan luga hore ee wareega 16-ka ee Champions League.

Ciyaartaan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo labadda kooxood ay guulo ay soo gareen labadii kulan ee ugu dambeeyay, inkastoo PSG ay 1-0 ay kusoo badisay, halka Los Blancos ay awood kusoo sheegatay 5-2.

Hadaba, su’aalaha ugu weyn ee kulankaan hortaala ayaa waxay tahay kooxdee ayaa badin doonta – Ma bareejo ayuu kusoo dhamaan doonaa – Mise waxyaabo kale, oo aan la fileyn ayaa dhici doona?

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Labadda Koox

Real Madrid, ayaa waxa aysan heli doonin ciyaartaan daafaceeda dambeedka midi gee Dani Carvajal, kaasoo ganaaxan – Sidoo kale, waxa aysan heli doonin Vallejo oo daafaca ka dheela, wuxuuna qabaa dhaawac muruqa ah.

Zidane ayaa waxaa la rajeynayaa inuu ciyaartaan uu kusoo wada bilaabo weerarkiisa ciyaartoyda BBC, si uga yaraan cadaadis uu ugu saaro kooxda kasoo horjeeda inay ka helaan qeybta hore goolal.

PSG, ayaa Geesta kale, waxa aysan qabin walwal badan oo dhaawac ah – Laakiin macalin Unai Emery ayaa wajahaya jahwareer ku aadan safka uu soo xulan lahaa, maadaama uu haysto ciyaaryahano badan oo weerarka ah.

Waxaa hortaala inuu kala doorto Di Maria, Mbappe, Cavani iyo Neymar oo dhamaantooda aqoon udurugsan u leh Real Madrid, iyadoona uu ubaahan yahay inuu dheelo shaxda 4-3-3, taasoo weerar kaliya ah.

Shaxda Macquulka Ah

REAL MADRID: Navas; Nacho, Ramos, Varane, Marcelo, Kroos, Casemiro, Modric, Bale, Benzema, Ronaldo

PSG: Kevin Trapp; Alves, T. Silva, Marquinhos, Kurzawa, Pastore, Motta, Verratti, Neymar,  Cavani, Mbappe

Si Kooban

Tartanka: Champions League

Kulanka: Real Madrid vs. PSG

Garoonka: Santiago Bernabéu

Saacadda: 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close