Hordhac: Real Madrid vs. Real Sociedad – Wiilasha Zidane Oo U Baahan Inay Boorka Iska Jafaan

Real Madrid ayaa garoonkeeda ku marti qaadi doonta dhigeeda Real Sociedad, si ay ula dheesho kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka La Liga, ee dalka Spain, kaasoo ah kan labaad ee aduunka loogu daawashadda badan yahay.

Ciyaartaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo Los Blancos, kulankii udambeeyay oo ay ka dheesho La Liga, Bareejo 2-2 ay la gashay Levante, waxaana wiilasha Zidane ay ubaahan yihiin inay iska jafaan Boorka ayna guul gaaraan.

Sikastaba, ka hor inta aan la baasan ciyaartaan waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbin doonaa wax walba oo aad uga baahan tahay inaan ka ogaataan saaxiibayaal, ciyaartaan aadka uxiisaha badan.

Image result for Real Madrid vs. Real Sociedad

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Real Madrid, ayaa waxaa u caafimaad qaba Kabtankeeda, laakiin xidiga kaliya ee Saalada ka saaran wuxuu yahay Jesus Vallejo – Zidane ayaa kulankaan isku heli kara inuu kusoo bilaabo BBC, inkastoo Isco ay macquul tahay inuu dheelo.

Real Sociedad, ayaa qabta Kiisas badan oo dhaawacyo ah, waxaana ciyaartaan ka seegi doona: Inigo Martinez, Carlos Martinez, David Zurutuza iyo Ruben Prado –  Dhamaan ciyaartoydaan waa kuwa dhaawac ah.

Shaxda Macquulka Ah

REAL MADRID

Real-madrid-predicted-starting-lineup

REAL SOCIEDAD

Si Kooban

Tartanka: La Liga

Kulanka: Real Madrid vs. Real Sociedad

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

Saacadda: 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close