Hordhac: Real Sociedad vs. Barcelona, Miyey Sociedad Awoodi Kartaa Inay Joojiso Blaugrana?

Kooxda kaalmaha dhexe uga jirta kala horeynta La Liga ee lagu magacaabo Real Sociedad ayaa marti soo doonta caawa dhigeeda kaalinta koowaad fadhisa ee Barcelona si ay ula dheesho kulan ka tirsan La Liga.

Ciyaartaan ayaa waxay taahy mid xiiso gooni xambaarsan maadaama labada dhinac uu saaran yahay cadaadis badan, inkastoo Barcelona ay maanka ku hayso in Real Madrid laga  badiyey kulankii shalay.

Sikastaba, kulankaan oo la daawan doono caweysnimada caawa oo Axad ah, ayaa waxaa halkaan hoose idin kugu soo gudbin doonaa wax walba oo aad uga baahan yahay kulan ciyaareedkan:

Image result for REAL SOCIEDAD vs Barcelona

Maxaa Ka Cusub Labada Koox?

Kooxda Real Sociedad ayaa wajaheysa dhaawacyo badan, waxaana ka maqan, xidigaha kala ah: Adnan Januzaj, oo dhaawac muruqa ah qaba, Alberto de la Bella oo Qoobka ka xanuunsanaya iyo Inigo Martinez oo Kubka ah.

Xidigii mudda dheer ka maqanaan naadiga ee Imanol Agirretxe, ayaa kusoo laabtey Tababarka, waxaana suura gal ah inuu dheeli kulankaas, inkastoo aysan u badneen inuu kasoo muuqan karo.

Dhanka kale, Barcelona saxiixa cusub ee kooxda Philippe Coutinho ayaa wuxuusan heli karin Axadaan kulankiisii ugu horeeyay kadib markii dhaawac Muruqa ah uu soo gaarey, wuxuusana kasoo muuqan liiska ciyaartoyda loosoo xushay ciyaartan.

Sidoo kale, Barca ayaa ciyaartaan dhaawac kaga maqan: Franciso Alcacer oo Muruqa ka xanuunsanaya, Samuel Umtiti oo isana muruqa ah iyo Nelson Semedo oo ganaax ku seegi doona kulankaan.

Shaxda Macquulka Ah

REAL SOCIEDAD (4-3-3)

Rulli: Odriozola, Llorente, Navas, Martinez, Illarramendi, Zurutuza, Prieto, Canales, Jose, Oyarzabal

BARCELONA (4-3-3)

Ter Stegen: Roberto, Pique, Vermaelen, Alba, Busquets, Paulinho, Iniesta, Messi, Dembele, Suarez

Xaqiiqooyinka Kulanka

Real Sociedad ayaa guul daro la’aan ah todobadii jeer ee ugu dambeysay oo ay kula dheeshay garoonkeea dhigeeda Barca, waxayna badisay shan kamid ah.

Sida iska cad, in Barcelona ay kusoo badiso garoonka Sociedad iyadoo horyaal la dheeleysa waxaa ugu damebysay bishii May ee sanadkii 2007

Si Kooban

Tartanka: La Liga

Kulanka: Real Sociedad vs. Barcelona

Garoonka: Anoeta Stadium

Saacadda: 10:45 [Habeen waqtiga Geeska Afrika]

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close