Home » Africa » Hordhaca Horyaalka Soomaliya:-Waxool Vs Dekedda Oo Soo Xeridoono Wareega Hore SPL 2016-2017

Hordhaca Horyaalka Soomaliya:-Waxool Vs Dekedda Oo Soo Xeridoono Wareega Hore SPL 2016-2017

Kooxaha kubbadda cagta Waxool iyo Dekedda ayaa soo xeri-doono Wareega hore Horyaalka Soomaliya 20126-2017,iyagoo wada ciyaaridoono kulan ciyaareedkii 45-aad xili ciyaareedkan. Kooxda Dekedda kulankii ugu dambeeyay waxa ay rikoorka guul dara la’aanta ka jibisay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Banaadir SC waxayna ugu badisay 1-0 waxaana goolkaas u dhaliyay C/Kariim Cabdalla Maxamed (Qubaaye) oo qadka dhexe ugu ciyaara Dekedda,wiilasha Dekedda waxa ay ku jiraan booska 5-aad waxa ay lee yihiin 13-dhibcood.

Dekedda Kulanka waxaa ka maqan kabtan Cabaas Amiin Maxamed,isagoo ku maqan casaankii uu qaatay 13-Febraayo kulankii u dhaxeeyay kooxaha Dekedda iyo Jeenyo oo barbaro 2-2 ku dhamaaday,isagoo la ganaaxay mudo bil ah iyo lacag gaaraysa 220$,balse waxa uu kooxdiisa Dekedda kusoo laabandoonaa Wareega labaad ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017. Wiilasha Waxool iyagana kulankii ugu dambeeyay waxa ay guul daro 5-0 kasoo gaartay wiilasha Macalin Salaad Faarax Xasan ee Jeenyo,Waxool waxa ay ku jurtaa booska 9-aad waxa ay lee dahay 3-dhibcood.

Kooxda Wasaarada Xanaanada iyo Xoolaha ee Waxool waxaa labo todobaad ka hor iskaga tagay Macalin Cali Maxamed (Cali Buu) oo kooxda leelinyay tan iyo bishii October 2016,balse xagaagan wiilasha Waxool wax ay horyaalka ku bilwaadeyn qaab aad u hooseey. si kastaba kulanka ayaa ah kulan aad xiiso badan waxaana kulanka lagu ciyaaridoono garoonka jaamacadaha degmada Hodan.

Xogta Ciyaarta:

Is Araga Kooxaha Dekedda VS Waxool

04/01/2016 Waxool FC 0:0 Dekedda

10/03/2016 Dekedda 2:1Waxool FC

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017

Koxoaha:-Dekedda VS Waxool- Jaamacadaha Stadium

Taariikhda:-14-03-2017

Maalinta:-Talaado

Saacada:-3:45pm

Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°26°

Qiimaha Kulanka:-10.00 Shilling Somali

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*