Hordhaca: Jeenyo iyo Dekedda-Oo Isha Ku Hayso Saddexda Dhibcood Si Ay Ula Wareegan Hogaanka Horyaalka

Kooxaha Dekedda iyo Jeenyo ayaa galabta ku ballansan Garoonka Banadir,ciyaar qeyb ka ah Tartanka Horyaalka Somali Premier League Waana Kullankii 16-aad ee laga dheelayo Horyaalka fasal cayaareedkan 2017-18.

Kullankan ayaa ah mid aad u xiiso badan Dekedda oo rabta iney hogaanka dib u qabato iyo Jeenyo oo rabta iney sii wadato wadada guulaha.

Kooxahan ayaa ku kala jira kaalimaha 2-aad oo fadhisa kooxda Dekedda iyo 4-aad uu ku jirta kooxda Jeenyo.

XAQIIQDA KULLANKAN:

Dekedda kullankii ugu dambeyay waxey guul dahabi ah ka soo gaartay naadiga Jaalayasha ee Elman kullan ciyaareed ku soo dhamaday 1-0, ciyaar dhacday 5-02-18.

Jeenyo ayaa guushoodii ugu horeysay ee horyaalka Somali Premier League gaartay kadib markii ay 1-0 ugu adkaatay naadiga Gaadiidka kaa oo ay kaga mahad celinayan weeraryahankooda Agoogow.

Dhaliyihii hore kooxda Jeenyo Feysal Xasan Xaashi ayaa ka hor imaan doona naadigiise uu ku soo caan baxay, taasi uu xaagagii 2015-16 ku noqday dhaliyahay ugu goolasha badan xiligaa Horyaalka.

Lixdii kullan ugu dambeysay ay labadan kooxod is arkan waxaa 3-kamid ah badisay kooxda Jeenyo 2-kamid ah waxaa guul gaartay Dekedda, halka 1-kullan ay bar baro galeyn labada dhinac.

Tani ayaa ka dhigeysa in kooxda Jeenyo ka badis badan tahay markii loo eego 6-dii kulan ugu dambeysay ay is wajahan.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOD:

Dekedda waxaa galabta ka maqnaan doona xidigeeda khadka dhexe ee Daa’uud Tubaal kaa oo Ganaax ku seegay ciyaartan.

Cabdikariin Qubaaye ayaa kullankan shaki laga galinaya inuu ciyaare karo isago xidigan dareemayo dhaawac dhanka jilibka ah.

Is Araga Labadan Kooxod:

13/02/2017 Jeenyo FC 2 : 2 Dekedda SC
27/03/2017 Dekedda SC 4 : 0 Jeenyo FC
15/02/2016 Jeenyo FC 3 : 1 Dekedda SC
06/05/2016 Dekedda SC 1 : 0 Jeenyo FC
19/02/2015 Dekedda SC 0 : 1 Jeenyo FC
21/05/2015 Jeenyo FC 3 : 0 Dekedda SC

OGEYSIIS KULLANKAN:

Tartanka: Somali Premier League 2017-18
Kooxaha: Jeenyo Vs Dekedda
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30

W/Q:Cabdifitaax nani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close