Home » Africa » HORDHACA Kulanka Waxool FC iyo Elman Football Club ee galabta

HORDHACA Kulanka Waxool FC iyo Elman Football Club ee galabta

Laacib.so : Kulamo ka tirsan horyaalka Soomaaliya ayaa galabta oo Khamiis ah ka dhici doonaa Garoomada tarmada ay ka socdaan ee Banadir Stadium iyo Garoonka Jaamacadaha oo kuwada yaalo Magaalada Muqdisho waxaana kulam muhiim ah wada ciyaari doono Kooxaha Waxool FC iyo Elman FC oo kulan xiiso badan ku leh Garoonka Banadir Stadium oo ka tirsan Degmada C/casiis.

Kulankaan ayaa noqonaya kulan wax walba laga filan karo hadii aan ku hormarno qiimeynta kulanka Elman FC ayaa suurtagal ah in ay goolal badan ku badiso sida ay qabaan Taageerayaasha Kooxda Elman FC oo Baraha Bulshada ku soo bandhigay in ay wacdaro dhigi doonaan kulanka Khamiilaha ah suurtagal na ay tahay in Hogaanka Horyaalka Soomaaliya in ay la wareegaan hadii ay badiyayaan oo ay la jiro goolal badan in ay ku soo badiso.

Dhanka Waxool FC ayaa kulamadii ugu dambeeyey waxaa guul ka gaartay naadiga ugu hooseeya ee Muqdisho United Waxeyna dhabar jab ku noqotay in uu hoos u dhac ku yimaado dhanka rajada galabta ay qabaan inkastoo kubaddu ay iska tahay cad iyo madoow balse waxaan ka warsugeeynaa kulank galabta ka dhici doono Garoonka Banadir Stadium.

Lasoco Natiijada Kulamada galabta la ciyaari doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*