Hordhaca: Liverpool VS Sevilla ka dib Laba Sanno Champions League Kusoo Labatay Reds

Kooxda liverpool ayaa la kulmeysa caawa Naadiga ku guuleysatay Europa League ee sannadka 2016-kii markii ay bilaaanayaan ololaha wareega group-yada Champions League.

Liverpool ayaa ku soo laaban doonta wareega group-yada Champions League marka ay Sevilla ku wajaheyso caawa garoonka Anfield.

Labada kooxood ayaa ku kulmay finalkii Europa League sannadka 2016, iyadoo Sevilla ay 3-1 ku badisay.

Liverpool iyo Sevilla ayaa ah labada kooxood ee ugu sarreya magac ahaan Group E, oo ay kula jiraan Naadiyaasha Maribor iyo Spartak Moscow.

Ka dib labo sano oo ay ka maqnaayeen Champions League, Liverpool ayaa caawa dib ugu soo laaban doonta tatakaan.

Kooxda shanta jeer heysata Koobka Kooxaha Yurub ayaa ku bilaaban doonta Group E kulanka adag oo ay soo dhaweynayaan kooxda Sevilla.

Liverpool ayaa sidoo kale ku wajihi doonta wareegan Group-yada kooxaha Ruushka iyo Slovenia ka dhisan ee Spartak Moscow iyo Maribor.

LIVERPOOL: Karius; Gomez, Matip, Lovren, Robertson; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane.

SEVILLA: Rico; Mercado, Kjaer, Lenglet, Escudero; Pizarro; Navas, Banega, Nzonzi, Correa; Ben Yedder.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close