Home » Champions League » Hordhaca: AS Monaco v Borussia Dortmund Ee Champions league

Hordhaca: AS Monaco v Borussia Dortmund Ee Champions league

Borussia Dortmund ayaa wajihi doonta tijaabo adag oo ay uga soo laabaneyso natiijadii aheyd 3-2 khasaaro ah oo ay kala kulantay French kooxda ka socota ee Monaco waxayna ilaashan doontaa booskeeda Champions League haddii ay guul ka badan 1-0 haarto kooxda Germany ka socota oo la tacaaleysa in ay kasoo kabato dhibaatada qaraxii gaarigooda lala beegsaday.

Borussia Dortmund waxay noqoneysaa koox kale oo magac weyn xambaarsan oo ay ka yaabsatay kooxda Monaco markii ay soo dharbaaxday Arbacadii hore.

Balse, waxaa jirta in Borussia Dortmund ay saameyn ku laheyd wixii baskooda ku dhacay Talaadadii habeenkaas ka horreysay.

Kooxahaan ayaa labaduba isugu faana weerar, waxaase Borussia Dortmund baskeeda ku dhaawacmay Marc Bartra waxaana kooxda Thomas Tuchel kooxdiisu ay ku kalsoontahay in ay kasoo kabato dhibaatada.

Monaco Hamigeeda semi-finalka

Waxaana ay ku xirantahay kulanka Arbacada sida ay ka yeelaan kooxda Tuchel ee dooneysa in ay sii joogto tartanka UEFA xilli xiriirku uu kooxdan ku qasbay in ay ciyaarto iyadoo maalin ka hor gaarigeeda la qarxiyay.

AKHBAARTA LABADA KOOX:

Monaco ayaa nasisay qaar badan oo ka mid ah safkeeda koobaad kulankii Sabtiga ee Dijon waxaana beddel ku yimid Radamel Falcao oo dhaliyay Bulisiyoon guusha u horseeday kooxda Ligue 1 ciyaarta.

Waxaa jiri kara is beddel weyn oo ka duwan safkii kooxda ee ciyaartii hore, waxaana imaanaya Tiemoue Bakayoko oo ganaax kasoo laabtay. Balse, Fabinho ayaa maqnaan doona isagoo jaallihii labaad qaatay kulankii ka dhacay Germany.

Leonardo Jardim ayaa sidoo kale soo dhoweyn doona soo laabashada Benjamin Mendy oo bidixda difaac ka dheela, wuxuuna kasoo laabtay dhaawac qaranka France ku gaaray.

Marc Bartra ayaa la filayaa in uu ku seego dhaawac gacanta ah. Maqnaanta wiilka reer Spain ayaana dhaawac weyn oo dhanka difaaca ah ku ah kooxda Dortmund. Xilli uu ka mid yahay xiddigaha ugu tayada badan.

Christian Pulisic ayaa heysta xagaay wanaagsan, waxaana uu cashar ka dhigay markii gadaal laga keenay ciyaartii Lugta hore, waana suuragal in ay kusoo billowdo Dortmund.

SAFKA LABADA NAADI:

Monaco: Subašić; Touré, Glik, Jemerson, Mendy; Bernardo Silva, Bakayoko, Moutinho, Lemar; Falcao, Mbappé.

Maqan: Fabinho (Ganaax), Sidibé, Boschilia (Anqaw dhaawac), Carrillo (Gumaarka)

Seegaya kulanka dambe haddii jaalle la siiyo: Jemerson, Falcao, Germain, Lemar, Sidibé

Dortmund: Bürki; Piszczek, Papastathopoulos, Bender, Schmelzer; Weigl; Dembélé, Castro, Guerreiro, Reus; Aubameyang.

Maqan: Bartra (Curcurka ka dhaawacan), Götze (Jiran), Schürrle (Feysha)

Soo kabasho: Durm (Muruqa), Rode (lama shaacin)

Kulanka dambe seegaya haddii jaalle la siiyo: Ginter, Guerreiro, Papastathopoulos, Schmelzer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*