HORDHACA: Real Madrid vs Deportivo La Coruna, Zidane v Sanchez, Bale v Perez.

real madrid vs deportivo23

Kulanka: Real Madrid vs Deportivo La Coruna

Madasha:Bernabeu Stadium

Taariikhda: 9-Jan-2016

Saacada: 10:30Pm waqtiga Geeska Afrika

Garsooraha:Pedro Perez

Wararka Kooxda

Zinedine Zidane ayaa ah kulankiisi ugu horeeyay  ee uu qabto koox ka ciyaarta heerka kowaad, inkastoo taageraha nadiga Real Madrid ay aaminsan yihiin in macalinkaan cusub uu sameyn dono waxayyabo badan oo cajiib  ah.

Macalinkan aya shegay in uu ku faraxsanaa qabashada kooxda inkastoo u ka dhawajiyay in naadigan uu ubaahan yahay keliya in isku xir loo sameeyo.

Real Madrid ayaa ah kuwa hada  heysta booska seddexad ee horyalka La liag-ha ayaga oo leh 37 dhibcood, waxaa ka koreyso barcelona oo iyana heysata 39 balse kulan uu baqqi uyahay iyo Atelitico o hogaanka heysa lehna 41 dhibcood.

Deportivo ayaa kahooseysa  10 dhibcood  dhigeeda Real Madrid, waana koox ay dhib badan tahay in laga adkaado, lagamana badin kulamad ay usafartay kooxaha, keliya 1 kulan ayaa laga adkaaday 9 kulan oo ay Away aheyd, wa koox fadhisa booska 7aad ee kala sareynta horyaalka La liga.

Maxaa dhacay maxaase la filayaa

Real Madrid ayaan laga adkaan 9 kulan ee udanbeysay ay la ciyaartay Deportivo,(Guul-8, 1 Barbaro).

Deportivo waa koox badisay keliya 1 kulan 30 kulan ee udanbeysay oo ay ku ciyaartay Bernabeu, (Guuldaro-25, barabaro-4) waxayna guusha 0-1 ku gaartay 2014.

Madrid waa koox laga adkaday hal kulan 26 kulan ee udanbeysay ee ku ciyaartay Santiago Bernabeu waana Barcelona kooxda ka adkaatay.

Zinedine Zidane waa macalinki ugu horeeyay ee udashay France jago tababarinimo ka qabta ReaL Madrid

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Naadi:

Real Madrid: Keylor Navas, Raphael Varane,Sergio Ramos, Marcelo,Danilo, Toni Kroos, James Rodriguez, Luka Modric, Cristiano Ronaldo,Karim Benzema, Gareth Bale.(4-3-3)

Deportivo:  German Dario Lux, Fernando Navarro,Sidnei, Alejandro Arribas, Laure, Alejandro Bergantinos,Pedro Mosquera,Juanfran,Luisinho, Faycal Fajr, Lucas Perez.(4-2-3-1)

 

Related Articles

442 thoughts on “HORDHACA: Real Madrid vs Deportivo La Coruna, Zidane v Sanchez, Bale v Perez.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close