Hordhaca:Arsenal vs BATE Borisov- Gunners Oo U Baahan Inay guul gaarto

Kooxda kubada Arsenal ayaa rajeyneysa inay dib usoo celiso qaab cayaareedkii ugu fiicnaa marka ay tartanka koobka Europa League kulanka ugu dambeeya wareega group-yada ku wajahayaan caawa Naadiga BATE Borisov.

Arsenal ayaa durbaba xaqiijisay booskeeda kaalinta koowaad ee Group H laakiin waxa ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan labadii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

Waligeed ma dhicin in Arsenal ay gool dhalin weydo saddex kulan oo xiriir ah tartanada qaarada Yurub.

Arsenal ayaan looga badin garoonkeeda todobadii kulan ee ugu dambeysay wareega Group-yada tartankaan, waxaana ay dhalisay 18 gool.

XAQIIQADA KULANKA

Kani wuxuu noqon doonaa kulanka labaad ee u dhaxeeya labada kooxood ka dib markii ay kulankii ugu horeeyay Arsenal kaga badisay 4-2 kooxda reer Belarussian.

Haddii Gunners ay garaacdo BATE, waxay 13 dhibcood ka uruursan doontaa lix kulan oo wareega group-yada Europa League ka ciyaaartay, kaliya Tottenham Tottenham oo xili ciyaaareedkii 2013/14 uruursatay 18 ayaa ka badan.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close