HORDHACA:Leicester City vs Manchester City, Raneiri v Pellegrini, Vardy v Aguero

video-undefined-23FB32C800000578-347_638x376

Leicester City ayaa rabta in ay dib usoo ceshato hogaanka ay ku naaloonaysa Arsenal, halka Man City ay yihiin kuwa ku goodinaya in 3 dhibcood tahay dhankooda, xilli Aguero uu yahay mid taam u eh kulankaan.

Kulanka: Leicester City v Man City

Madasha: King Power Stadium

Taariikhda: 29-Dec-2015

Saaacada: 10:45pm waqtiga Geeska Afrika

Garsooraha: Craig Pawson

Wararka Kooxda

  • Xiddigaha ay ku socoto Leicester City Jamie Vardy iyo Riyad Mahrez ayaa la bedelay kulankii Anfield ee Boxing Day laakiin waxa ay taam u yihiin inay wajahaan Manchester City.
  • Danny Drinkwater ayaa ka soo laaban kara dhaawac muruqa ah.
  • Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa isna dhaawac ku maqan ka dib markii uu mar kale dhaawacmay kulankii sabtida ee Sunderland.
  •  Sergio Aguero ayaa ciyaari doona laakiin Pablo Zabaleta iyo Fernando lagu lama soo degdegi doono garoonka.

Maxaa dhaxay maxaasa la filayaa

Leicester ayaa laga badiyay labadii kulan ee ay Man City la ciyaareen xilli ciyaareedkii hore laakiin lagama badinin seddex kulan oo isku xigta oo ay ka horyimaadeen City tan iyo bishii August 1961.

Manchester City ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay u safreen kooxda Leicester.

Leicester City

waxaa laga adkaaday Boxing day ayad oo ay garaacday Liverpool xilli 10 kulan oo xariir an laga adkaan, waana guul daradii 3aad 27 kulan Preier league ay ciyaartay ( Guul-18, barbaro-6, guuldaro-3).

kulanki liverpool waxa uu ahaa midki ugu horeeyay aysan wax gool ah dhalin waana marki ugu horeeyay xilli ciyaaredkan sidaas ku dhacday Leicester.

Leicester ayaa 14 kulan oo xariir ah ay gurigooda ku ciyaareysay mid waliba  gool ku dhalisay.

Manchester City

City ayaa shan kulan oo marti ay ahayen guuleysan, midi ugu xumayd waxa ay ahayd sanadii 2011.

waxa ay dhaliyeen hal gool 4-ti kulan ee udanbeysay ee ay martida usafreen kooxaha.

Kevin De Bruyne aya dhaliyay 10 gool, halka 10 kalena uu caawiyay asaga oo kasoo muuqday 23 kulan dhaman kulamada City.

SHaxda Macquulka Ee Labada Naadi:

Leicester City : Schmeichel; Fuchs, Huth, Morgan, Simpson; Albrighton, King, Kante, Mahrez; Okazaki, Vardy.(4-4-2)

Man CIty : Hart; Kolarov, Mangala, Otamendi, Sanga; Yaya Toure, Fernandinho; De Bruyne, Silva, Sterling; Aguero.(4-2-3-1)

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close