HORUDHAC: United Vs West Ham, Wararka Kooxaha, Xidigaha Maqan & Wax Waliba Oo Ku Saabsan Kulankaan

Kooxaha Manchester United iyo West Ham, ayaa waxay caawa ku hardami doonaa kulanka ka tirsan Horyaalka Premier League-ga, kaasoo daaha laga rogay maalinkii Jimcaha aheyd ee lasoo dhaafay.

HORDHACA KULANKA

Kulan ciyaareedkaan ayaa wuxuu ka qabsoomi doonaan garoonka ay ku ciyaarto Naadiga Red Devils ee Old Trafford, ee ku yaala Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska, waana Tijaabadii ugu horeysay ee macalin Jose Mourinho.




WARARKA KOOXAHAAN

Jose Mourinho, ayaa waxaa anan la rajeyn inuu garoonka kusoo bilaabi doono saxiixyadiisa cusub ee kala ah Romelu Lukaku iyo Nemanja Matic, iyadoona taasi ay la gali shaki weyn, oo ah inay kulankoodii ugu horeeyay udheelaan Kooxooda.

Luke Shaw, Ashley Young iyo Marcos Rojo ayaa dhamaantooda waxay kaga maqan yihiin naadigooda dhaawac muddo dheer qaatay, waxaana ay kasoo kabanayaa muskilad dhanka Jilibka ah.

Dhamaan afarta xiddigood oo ay lasoo wareegtay West Ham, xagaaga cusub ayaa diyaar u ah, taasoo ka dhigan in xiddigii hore ee Mancester United, Javier Hernandez, uu ka hor imaanayo kooxdiisii hore.

Laacibiinta kala ah Michail Antonio, Manuel Lanzini, Cheikhou Kouyate, Andy Carroll iyo Diafra Sakh, ayaa waxay kulankaan ku seegayaan dhaawac, iyagoona maqnaan doona in kabadan Laba kulan.




MAXAY KA DHAHEEN MACALIMIINTA?

Manchester United Macalinkeeda oo ka hadlay muhiimadda kulankaan ayaa wuxuu yiri: “Wax waliba waxaa la arki doonaan kulanka kadib, wuxuu noo yahay mhiim inana badino kualnkaan.

West Ham maamulaheeda Slaven Bilic: “Ma wanagsan inaan kulan furitaan ah aad gurigeeda ku booqato koox Red Devils, oo kala ah, saxiixyo waali ah ayay sameeyeen, marka inaguna waxaan tabeynaa xiddigo muhiim ah.

IS ARAGOODII UGU DAMBEEYAY

Manchester United, ayaa guul qaadaneysay 17-kamid ah 21-kii kulan oo ka tirsan Horyaalka Premier League oo ay la dheesho West Ham (Laba guul daro iyo Laba Bareejo ah) ayayna la qaadatay.




Kooxda lagu naaneeso Hammers ee West Ham, aya guusheedii ugu dambeysay oo ay ka gaadho United, waxa timid ciyaar dhacday May 2016-kii, markaas ay ku dheeleysay garoonka, waxaana ay kusoo badisay 3-2.

Sikastaba, West Ham, ayaa anan kusoo badin garoonka Old Trafford, wixii ka dambeysay kadib markii uu ciqaabay Carlos Tevez, United ciyaar dhacday 10-sano ka hor. Sheeko Xiiso badan.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close